WacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Talo oo Ku Saabsan Sida Loo Xakameeyo Carada

Dareenkeennu si joogto ah ayuu isku rogrogaa, mararka qaar waxaan dareenna xasillooni iyo dareen faraxadeed marar kalena waa caroonnaa oo meel daran ayay inaga is taagtaa waxyaabo aan hadhow ka qoomameynana waan sameynna.

khubarada caafimaadka ayaa waxay ku talinayaan waddooyin lagu kaxameynayo carada aadka u xooggan oo haddii aad isku sii dayso laga yaabo iney kuu horseeddo waxyaabo aan ciribtooda dambe la mahdin.

1 – Marka hore qiraalka samee

Waa inaad ogaato marka aad carooto in mushkilad way aad dhexda ka taagan tahay, sidaa darteed marka aad qiraalkaa sameyso ayaa loo gudbayaa marxaladda kale ee ku xigta.

2 – Waa inaan howlaha kala qeybiso.

Markaad aragto inaad careysan tahay waxaa habboon inaad mushkiladda u qeybiso dhowr qeybood oo mid kastana aad si goonni ah u xalliso. Intii aad mushkilad kale oo wayn gacanta la geli lahayd oo aad dhibaato weyn aad geysan lahayd, ciidanamada mariiniska Mareykanka ayaana wadana lagu layliyaa si ay caradooda u xakameeyaan.

3 – Layliga aad sameysaa waxa uu kaa sii yareynaa walwalka iyo carada xad dhaafka ah, sida in qofka maamulka haya marka uu shaqaalihiisa u caraysan yahay oo kale, inta aanuu la hadlin inuu muraayad isku eego oo khudbadda muraayadda horteeda ka jeediyo, waxaa hubaal ah iney caradu ka yaraaneyso waxbadan oo khadami lahaana ay yaraanayaan.

4 – Bedello kale  raadi

Khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in marka hore waxaad ka carootay waa xaalad jirta oo laga yaabo iney soo noqnoqto sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan bedello u raadiso mushkiladdaa si aaney usoo noqnoqon, waana sida lagu sheegay website-ka “diet”.

5 – Waxa in uu  qofku sameeyaa layliga neefsashada.

Inta aad si fiican neef u qaadato ayaad si tartiib ah muddo 4 ilbiriqsi ah aad kusoo celinaysaa neefta, adigoo muddo 3 jeer ah sidaas oo kale sameynaya.

Si kastaba,  ku darso waddooyinkaa kuwii kale ee aan horey u naqaanney ee ay ugu horreyso inaad xaaladda aad ku jirto bedesho oo haddii aad taagan tahay fariisato …, sidaas oo kale waysada ayaa iyaduna kaalin muhiim ah ka qaadata caro jabinta.

Ugu dambeyn, carada ayaa ah waxa ugu daran ee qofka noloshiisa dhibaato gelin kara, ficillada uu xilliga carada sameeyana qofku noloshiisa dambe ayuu ka qoomameeyaa, sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan baranno waddooyin kasta oo aan carada kula dagaallami karno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close