arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Magaalada Gaalkacyo oo Waaberi Cusubi U Dillaacay… Horumarka Ballaaran oo Dhinac Walba leh

Gaalkacyo waa magaalo madaxda gobolka Mudug in kastoo ay marar badan marti u noqotay dagaallo sokeeye oo ku soo noqnoqday, ayaa hadan waxaa ka muuqda isbedel weyn oo dhanka dhismaha iyo nolosha ah.

Hadda waxaa magaalada ka muuqda ifofaalo nabadeed waxayna dhanka horumarka la jaan qaadeysaa magaalooyinka kale ee dalka kuwooda ugu wanaagsan, maadaama ay noqdeen bulshada ku dhaqan Gaalkacyo mudooyinkii dambe kuwo dhexda u xirtay sidii nabad iyo horumarba ay hirgelin lahaayeen ‘illeen nabad ayaa nolol leh’.

Magaalada ayaa waxaa laga hirgaliyay ururro dhallinyaro kuwaas oo ka shaqeeya is dhexgalka bulshada, sidoo kale waxaa laga hirgaliyey boolis isku dhaf ah kuwaas oo ka hortagayo in magaalada ay ka dhacaan dhibaatooyin la xiriira dhanka ammaanka.

Waxaa jira dhallinyaro ku dhiiratay iney ka qeybqaataan horumarka magaaladooda waxayna magaalada ka hirgaliyeen goobo ganacsi oo casri ah.

Daahir Maxamuud waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo waxaa uuna magaalada ka hirgaliyey ganacsiyo ka qeyb qaadanaya horumarinta magaalada iyo abuurista shaqooyinka .

“Magaalada nabadeeda iyo xasiloonideeda aad ayey u wacantahay,waxaan ka mid ahaa dhallinyarada gobolkaan waxyaabo badana soo maray waxaan ku fakari jiray inaan magaalada ka hirgaliyo goobo ganacsi hadana waan ku guuleystay”. ayuu yiri Daahir.

Bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa hadda waxay yihiin kuwo u soo jeestay horumarka magaaladooda waxayna magaalada ka hirgaliyeen dhismayaal dhaadheer xarumo loo dalxiis tago kuwaas oo ka qeybqaatay horumarinta bilicda magaalada.

Cabdiraxmaan Cali Geedi oo ka tirsan wax-garadka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in magaalada ay sameysay horumar wanaagsan bilihii ugu dambeeyay, waxaa uuna tilmaamay in qurba-joogta deegaanka ay qeyb ka qaateen horumarka ballaaran ee magaalada oo laga hirgaliyay warshado iyo xarumo waxbarasho iyo kuwo ganacsi.

“ Haddii aan ka warramo anigoo ku hadlaya magaca wax garadka gobolka Mudug horumarada ballaaran ee ka socda deegaannada gobolka Mudug aad ayey u balaaranyihiin,waad arkeysaa dabaqyada dhaadheer iyo ganacsiga tirade badan eek u soo kordhay magaalada Kaalkacyo”.

Ugu dambeyn, Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda waabari cusub u dilaacay waxayna u soo jeesteen dadka ku dhaqan inay ka shaqeeyaan bilicda iyo horumarka magaalada, maadaama ay waayo badan la daala dhaceysay dagaallo sokeeye oo cuuryaamiyey magaalada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close