DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Qorshe Sanadeedka Maamulka Iskuulaadka ee Heerarka Kala Duwan ee Waxbarashada

Maamulaha wanaagsan waa kan meel fiican gaarsiiyay xilka uu hayo  iyo dugsiga uu  mas’uulka kayahay, waana halka bud-dhigga koowaad u ah guusha waxbarashada ee iskuulaadka dal kasta.

Waxaana  hubaal ah in maamul walba oo dugsi waxbarsho maamula  in hadii uusan lahayn qorshe sanadeed  iyo higsi dheer in  maamulkaasi uu noqon doono maamul  ku sheeg ee uusan  ahayn  maamul dhab ah oo laga rajeynayo   horumar  wanaagsan

Hadii aan eegno  maamulada dugsiyada  dalkeena soomaaliya  waxaad ka dareemaysaa inaysan  lahayn qorshe  sanadeed  iyo higsi qoto dheer oo ay ku  hormarinayaan  waxbarashada  habacsanaantaasna waxaa u sababa.

  • In waxbarashadii ay noqotay mid maadi  ah oo maamulka iyo macalimiintuba hamigoodu  yahay  mid maaliyadeed  marka laga reeb tira yar  dugsiyo ah
  • In maamulada jira aysan aqoon durugsan  lahayn maamulka dugsiga
  • In nidaamka ay ku shaqeynayaan uu yahay mid khaldan

Arimahaas o dhan waxa ay sababeen in  la waayo  maamul dugsi oo hurmarsan kuna fekerya  mustaqbalka  jiilka danbe  isla markaana u gogol xaara  horumar waxbarasho .

  • Qorshe sanadeedka maamulka ee ku aadan  waajibaadkiisa ka maamul ahaan 
  • Waxaa laga rabaa qof walba oo maamul ah in uu ogaado in mas’uuliyadi saarantahay

Higsigiisuna uu noqdo mid  dheer oo qorshaysan

  • Waxaa laga rabaa maamulka  in uu qorsha sanadka ku  darsado  sidii uu u hormarin lahaa  dugsigiisa  dhan kasta .
  • Waxaa haboon in maalin walba uu  ku sugnaado xafiiskiisa
  • In uu la yimaado maamul wanaag
  • In uu qorshaha ku daro in uu sameeyo kulan todobaadle ah oo uu u sameynayo   macalimiintiisa

 

  • Qorshe sanadeedka maamulka ee ku aadan  macalimiinta

Hadii aad tahay maamul wanaagsan kuna hanweyntahay in  dugsigaagu noqdo dugsiga ugu aqoonta  sareeya  ama ugu waxbarashada wanaagsan waa in  aad qoshahaaga ku darsataa nidaamka aad macalimiinta ku aqbalayso.

  • Waa in macalinka aad aqbalayso uu noqdaa macalin u qalma hawsha aad u igmanayso
  • Waa in ugu yaraan uu haystaa shaqaado jaamacadeed oo macalinimo ah
  • Waa in macalinku uu tix geliyaa waqtiga waxabarsho oo uu ilaaliyaa  waqtigiisa iyo waqtiga  ardayda  maamulkuna  wa qorsha sanadeedka uu arintaasi tixgeliyaa. 
  • Qorsha sanadeedka ku aadan  nidaaminta dugsiga

Waxaad  arkaysa marka aad booqato dugsiyada dalkeena  soomaaliya in ay dugsigaasi sanado badan aan waxba laga bedelin dhan kasta ha noqotee  kharasha soo gelayana uu yahay mid  xad dhaaf ah, sababtuna waa qorsha la’aanta  maamulada dugsiyaadaas .

Sidee lagu maamulku u samayn karaa nidaam guud oo dugsigu yeesho

  • Waa in maamulku sanadkiiba uu dayactir ku sameeyaa dugsiga uu mas’uulka kayahay

Waayo  muuqaalka dugsiga waxa uu saameyn ku yeelanayaa ardayga waxbaranaya oo marka uu helo  dugsig quxoon waxa uu ku dhiiranayaa in uu adkeeyo  waxbarashadiisa

  • Dhirayta dugsiga  waa lagama maarmaan waana  looga baahanyahay maamulka waayo waxaa tilmaamaa in dhirtu ay  u fiicantahay muuqaalka indhaha iyo  weliba caafimaadka guud ee ardayga
  • In maamulku uu ku dadaalo in ay fasalada ardaydu noqdaan fasalo u qalma oo wax lagu baran karo
  • Waxaa kaloo ka mid ah qorshaha sanadeedka maamulka in uu ku dadaalo qurxinta  barxada dugsiga
  • In uu sameeyo jardiino  ay ku nastaan  ardaydu marka ay  fasaxa u soo baxaan
  • In uu hagaajiyo goobaha loogu tala galay in ay ku cayaaraan
  • Maamulka qorshihiisa waa uu ku darsadaa goob cibaado oo ay arday ku cibaadeytaan  iyo goob ay ku cunaan cunada fudud.

 

  • Qorsha sanadeedka ku aadan  xiriirka waalidka iyo maamulka

Marka aan ka hadlayno xiriirka  maamulka iyo waalidka  waa mid udub dhexaad u ah horumarinta  waxbarashada ardeyga waayo  mar walba  oo xiriirkaasi  jiro waxaa  hubaal ah in ardaygu oo noqon doono arday feejigan , fursad uu waxbarashadiisa ku seegi karana aysan jirin, hadaba xirirkaasi  qaab sidee ah ayuu maamulku ugu darsan karaa  qorsha sanadeedkiisa,

  • Waa in xiririka macalinka iyo waalidku uu noqdaa mid xoogan oo aan kala go’lahayn
  • Waa maamulku uu qorsheeyaa ama dejiyaa nidaamka ugu wanaagsan ee uu kula xiriiri karo waalidka
  • Waa in maamulku uu fahmaa in mar walba oo uu xiriri la sameeyo  waalidka in uu yahay maamul  wanaagsan
  • In maamulku uu sadaxdii bilaadba uu hal mar la kulmo waalidiinta  si uu uga warbixiyo hanaanka waxbarasho ee uu higsanayo
  • In hadii ardaygu  armar diid sameeyo  maamulku uu la xiriiro waalidka arday oo uu sheego khaladka ardayga
  • In maamulku uu abaal mariyo waalidka ugu xiriirka badan ee la soo xiriira dugsiga  si waalidiinta kale ayaguna ay  ugu diiradaan ka warqabka ubadkooda.

 

  • Qorsha sanadeedka ku aadan aqbalaada ardayga

Si aan u helno jiil wanaagsan oo waxbarta waa in maamulada dugsiyadu ay  qorsha sanadeedkooda ku darsadaan nidaamkii ay ku aqbli lahaayeen ardayga , ayadoo aan aragno in maamulada badankood ay  iska diiwaan geliyaan ardayga ayaga eegaya  kharashka yar ee ka soo gelaya markaas .

Waxaana u fiican maamulka in uu soo dejiyo shuruurdo adag  oo looga baahanyahay ardayga in  uu fahmo inta aysan waxbarashadu bilaaban  sida :

  • In maamulku ardayda u sharxo nidaamka guud ee sanadkan ay ku maaluli doonaan dugsiga
  • In ardayga loo sheego hadii  uu layimaado  wax khilaafsan xasiloonida dugsiga in la marsiin doono sharci  loogu tala galay arintaas ayada ah
  • In ardaygii mudo sadex maalmood ka maqnaada cudur daar la’aan waalidkii lala xiriirayo
  • Qorshaha maamulka laga doonayo in uu ardayda ku maamulo waxaa ka mid ah in ardaygu uusan bixi Karin ilaa waxtiga waxbarasha  loogu tala galay  uu ka idlaanayo
  • In ardaygu uu ixtiraamo libiska loogu tala galay  in uu ku yimaado dugsiga lagana aqbalayn
  • In cayaarta xad dhaafka ah ee mararka qaar ay ku dhaqmaan in dugsiga laga ogolayn
  • In uu san dib uga dhicin xiliga uu imanayo dugsig oo  uu ku tala galo in waqti hore uu soo baxo

Shuruucdaas iyo kuwa kale oo aad tira badan hadii  maamulku uu ku darsado qorsha sanadeedkiisa  isla markaana la dhaqan geliyo waxaa hubaal ah in maamulkaasi uu noqondoono mid guulaystay  kuna guulaystay waajibkii loo igmaday  ee ahaa in uu wax ka bedelo  waxbarashada soomaaliya .

Gabagabo

Waxaan ugu danbeyntii  idiin kaga mahad celinayaa sida wacan ee aad u akhriseen qorshahan  allana waxaan ka baryaynaa in uu naga dhigo  kuwii ku dhaqma .

Mahadsanidiin 

W/ D : Ustaad Xasan Cabdi Maxamed (Xasan YUFLE)

Related Articles

Close