arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shaqaalaha Dowladda oo La Fasaxay Munaasabadda Ciid al-Adxaa Awgeed

Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha ciidda.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargelineysaa dhammaan hay’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa ciidda Carafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Allae uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.

Maalinta Jimcaha ee nagu soo aadan kuna beegan 01-09-2017 ayaa ah  maalinta Koowaad ee ciidul al-adxaa, waana maalin ku weyn guud ahaan umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close