arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shirkadda Telesom oo 357 Buug Ku Wareejisay Maktabadda Maamulka Somaliland ee Magaalada Hargeysa

Shirkadda Telesom ayaa buugaag kor u dhaafaysa Sedex boqol oo buug   oo Taariikhda Somalida iyo Suugaan iskugu jira ku wareejisay maktabadda maamulka Somailand ee gudaha magaalada Hargeysa.

Maxamed Cabdi Darbo oo ahaa mas’uulkii shirkadda Telesom ay u soo dhiibtay buugaagta ah ayaa ka hadlay in shirkaddii markii hore ay dhaqaale ku darsatay maktabadda ayna garab taagneyd intii ay dhisneyd oo dhan:

“Maanta waxaan joognaa maktabadda Qaranka oo runtii macno badan waddankan u leh, aasaaskeediina ay shirkaddu qeyb libaax ka qaadatay gundhiggeedii, habeynteedii, iyo howlgalkii iyo dadaalkii la geliyay sidii maktabad Qaran loo aasaasi lahaa oo lagu uruuriyo ama laga helo wax alaaliyo wixii buug ah. Markii hore qaadhaan lacageed ayaan ku darnay waxaanan diyaar u nahay inaan mar kasta ka qeybqaadanno shirkad ahaan.”

Waxa uu sheegay iney maktabadda u wadaan buugaag Saddex Boqol iyo Kontan kor u sii dhaafaysa:

“Maanta waxaan halkan ku wareejineynaa 357 buug oo ah buugaagta ka hadleysa taariikhda Soomaalida, gabayada ama taariikhdii Somaliland ka hadlaya ayaan ku wareejineynaa iyo 25 CD oo xambaarsan xogbadan oo ummadani leedahay.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maktabadda Axmed Daahir Cilmi ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay shirkadda kaalinta muuqata ee ay kaga qeybqaadatay garab istaagga maktabadda isagoo sheegay in shirkadaha waaweyn ay tahay tan kaliya ee lacag ku darsatay maktabadda:

“Runtii maanta waxaa sharaf inoo ah shirkadda Telesom oo Library-ga ku suntan, bilowgii illaa maalinta way nagala shaqeynaysay, waa shirkadda qudha ee dhaqaale ku darsatay, maantana nasiib wanaag waxay noo wadaan illaa 300 oo buug oo aad u qiimo badan.”

maktabadda Somaliland

Ugu dambeyn, shirkadda Telesom ayaa horey ugu deeqday maktabadda $20 kun oo dolar oo lagu dhisay shalfiska oo laga keenay China, waana sida uu sheegay guddoomiyaha maktabadda.

Related Articles

Close