TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

12 sano Kadib.. YouTube oo Muuqaal Cusub Lasoo Baxay.. Barnaamijyo Dhanka Tayada, Xawaaraha iyo Caruurta ah

Barta muuqaal baahinta YouTube ayaa Talaadadii 29 August, 2017 lagu soo kordhisay qaab cusub, kadib muddo 12 sano ah oo aan wax isbedel ah oo sidaa u ballaaran aan barta lagu sameeyo.

Tallaabadan ayaa ah mid ka mid ah tallaabooyin ballaaran oo ay waddo shirkadda Google, waana isbedelkii ugu ballaaran ee muddo 12 sano ee lasoo dhaafay lagu sameeyo.

Muuqaalka cusub ee barta ayaa waxa uu wataa Material Design, oo markii ugu horreysay kasoo muuqaneysa barta oo muuqaal ka quruxoon kii hore oo wixii lasoo geliyay si aad u tayo sarreysa loo daawanayo.

Design-kan cusub ayaa waxa uu wataa Dark Theme kaas oo Background-ka ka dhigaya kallarka madow ah, waana marka aad dooneyso in waxa kuu gaar ah aad daawato, Shaashadaha ugu yarna waa uu la falgalayaa si ka wanaagsan sidii hore, muuqaal kasta oo aad dooneyso inaad gadaal ka daawatana waa sii ballansan kartaa.

Waxaa barta la gelin karaa hadda oo lagu sii dayn karaa dhamaan muuqaallada SD, HD, 4K, 360, 3D, muuqaallada tooska ah markii qalabkaaga uu Internet-ka ku xiriirsan yahay iyo ookiyaalaha Waaqica aan dhabta ahayn ee VR. waa soo kordhintii baryihii dambe ay sameysay bartu.

Waxaa kale oo lagu soo kordhiyay in qoysaska doonaya in ubadkoodu uga badbaado muuqaallada aan daawashada ku habbooney YouTube caruurta u gaar ah oo la yiraahdo YouTube Kids, iyo YouTube Red oo ah mid ay daawan karaan dadka aan xayaysiimaha jeclayn.

Si kastaba, YouTube ayaa waxa uu sheegayaa in bilaha soo aaddan uu soo kordhin doono barnaamijyo cusub oo soo jiidasho leh qofka daawadaha ahna u suurtogelinay inuu adeeg fiican helo.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close