WararkaWaxbarashada

1 August oo Loo Asteeyay Maalinta Qaxootiga Soomaaliyeed

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay gabagabadii shir looga hadlayay xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa sheegay in Xukumaddiisu ka shaqeynayso sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol wanaagsan oo ay uga kaga maarmi karaan qaxootinimada iyadoo 1 August loo asteeyay maalinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Ra’isul-wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay iney qaxootiga gudaha dib-u-dejin u sameynayaan isla markaana ay xil iska saari doonaan kuwa dibadda ku maqan:

“Xukuumaddu waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareynta habsami u soo noqoshada qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddiisa ku sugan mudada ka badan 30ka sano” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Waxa uu tilmamaay in abaarihii in laga samata baxay, laakiin samafalka dadka liitaa uu u yahay muhadooda koowaad:

“Walow Illaahey naga raray abaarihii iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimadda koowaad, dalka gudihiisa iyo dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waa inaan ka fikirnaa”.ayuu raaciyey R/Wasaare Khayre.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ku dhawaaqay in 1-da August loo Asteeyay maalinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay 28 August Shirweyne Qaran oo lagu magac daray “U Helida Xal waraara Qaxoootiga soo laabanaya iyo Barakacayaasha”, kaas oo maalinimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close