WararkaWaxbarashada

Koorso Si Online ah Lagu Baranayo Hiddaha iyo Dhaqanka oo Laga Daah-furay Magaalada Hargeysa

Ururka Horn Herigtage iyo dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa daahfuray Kooras cusub oo lacag la’aan ah laguna baranayo waxa uu yahay Hidde iyo dhaqanka qaab online ah oo internet-ka laga baranayo.

Munaasabadda daah-furka Course-kan cusub oo ka dhacday magaalada Hargeysa maalinimadii shalay ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ka tirsan ururka Horn Herigtage, Agaasimaha daladda dhalinyarada SONYO, arday iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Madaxa mashaariicda Horn Herigtage Cabdi Shakuur Maxamed ayaa ka hadlay kooraskani waxa uu yahay iyo ulajeedada laga leeyahay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waa kooras online ah, Mooc  massive open online Course, waa lacag la’aan qofwalba wuu heli karaa, aqoon sidaa u sii weyn uma sii baahna qof kastaana wuu ka hubboon yahay, qof kasta oo English akhirin karaya, ulajeedadiisuna waa in dadka la baro Kow waxa uu yahay Hiddihu, waxyaabaha khatarta ku ah , qaabka loo ilaalinayo, waxa uu soconayaa muddo Lix wiig ah, waxa uu bilowday 28 bisha August”.

Xamda Cali (Jinaw) oo horey kooraskan u soo dhigatay ayaa ka hadashay waxyaabihii ay ka faa’ideysatay, waxaaney tiri:

“Anigu waxaan dhigtay aqootaas onlinka ah, waxaanan ka faa’iday cilmi badan oo ah mid I anfici doona, waxaan kala bartay waxa aynu hiddaha iyo dhaqanka u leenahay iyo macnaha uu yahay dhaqanku, taas oon wax badan ka famay, markaa dhalinyarada u diyaar garoobaysa in ay dhigtaan aqoontan waxaan leeyahay dadaala waad helaysaan aqoon fiican weeyaan.”

Mooc waa Kooras dhanka internet-ka ah oo cid walba u furan markii ugu horreysay waxaa la bilaabay sanadkii 2006 waxayna noqotay mid dadku ay aad ugu xirmaan sanadkii 2012, kooraskanina waa mid lagu baranayo waxa uu yahay hiddo iyo dhaqan ay busho leedahay, khataraha soo waajaha iyo sida loo ilaaliyo.

Halkan Guji Si aad Course-ka u Booqato

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close