WararkaWaxbarashada

Somaliland: Kormeerka Hubinta Tayda Waxbarasho oo Madaxda W/Waxbarashu Ku Mareen Qaar ka Mid ah Iskuulaadka Hargeysa

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa kormeer kadib u martay qaar ka mid ah iskuulaadka ku waxbarasho ee ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa, kaas oo danta laga leeyahay uu ahaa kobcinta tayada waxbarashada.

Kormeerkan oo ay agaasimaha ku wehelinayeen agaasimaha waxbarashada gaarka ah, madaxa tababarada iyo madaxa xog ururinta Wasaarada Waxbarashada Somaliland.

Aggasimaha Guud ee W/Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa ka waramay ujeedada kormeerkan ay ku marayaan dugsiyada

“Tayada waxbarashada la hagaajiyo, Ulajeedada aan dooneynaa waxa weyaan in arday tayo leh ay soo baxaan oo dalka wax u tara, idinkana waalid baa idin soo diray idinku soo tabcay idinka bixiyay Iskuulka Fiiga aad ku dhiganeyseen, waalidkii inaad khasaarisaan lama doonayo, wasaaraddii waxbarashadana inaad khasaarisaan lama doonayo.”

Axmed Abokor, sidoo kale waxa uu ka hadlay ka wasaarad ahaan qorshaha ay ka leeyihiin kor u qaadida tayada waxbarshada

“Imtixaannad awal fasallada afaad ee dugsiga sare  iyo Sideedaadka ayaa xoogga la saaraya imtixaannada glass-yada  1, 2,3 ee dugsiga sare intaba xoogga ayaa la saarayaa ilaalintooda ayaa la xoojinayaa ardaygii dadaala unbaa baasaya, ardayga aan dadaallinna sanadka dambe ayaa lagu soo celinayaa si uu u soo dadaalo.”

Waxa uu tilmaamay in ay kormeerka joogteynayaan si ay u hubiyaan in ardaydu ay manhajkooda dhameystaaan:

“Ma doonayno hadhow marka imtixaanka la gaaro ee imtixaanka la qaadayo in anagay iyo ardaygu aan isku qabsanno iyo xafiiska imtixaanaadku waxbaa la qishay iyo mobile baa lasoo qaatay ma doonayno 7-8 bilood ee imtixaanka inaga xiga maalin kasta waa indiin imanaynaa si aan u hubinno in casharadii la idinku talogalay aad qaadateen, haddaaney macallimiintu aaney waxba idin bareyn waan la xisaabtami doonnaa, haddii aydaan idinku waxbaraneynna waalidkiin ayaan u sheegaynaa oo inaad gurigii u joogtaan ayaa ka fiican.”

Ardaydii uu kula kulmay iskuulaadkii uu booqanaayay ayuu kula dardaarmay inuu iney dalaal dheeraad ah la yimaaddaan dhanka luqadda ay wax ku bartaanna ay iska dhisaan.

“Ma’uuliyad aya qaranka idinka saran, naftiinna idinka saran, waxaad wax ku baraneysaan waa English, waanan idinku dardaarmayaa inaad si fiican u barataan.”

Dhanka kale, macallimiintii iyo maamulkii ay la kulmeen ayaa si aad ah u soo dhaweeyay kormeerka iyo ka codsaday iney sii joogteeyaan kormeerka si loo wada arko halka ay caqabaddu ka jirto loona hagaajiyo.

Ugu dambeyn, Kormeerkan ayaa waxa uu ahaa mid kadis ah oo aan iskuulaadka horey loogu sheegin, waxaanuu qeyb ka yahay ol’olaha tayada waxbarashada oo in muddo ahba ka socday Somaliland.

Maandeeq FM 

 

 

Related Articles

Close