WararkaWaxbarashada

Waxay Gudanayaan Rukinaga Ugu Weyn.. Xujeyda oo Carrafo Taagan

Xujeyda  ayaa maanta oo Khamiis ah 31 August, gudanaya Tiirka ugu weyne ee tiirarka Xajka waa istaagga Carrafa kadib markii maalinta al-Tarwiya ay kusoo guteen Muna.

Qeybtii hore ee Xujeyda waxay soo dhaqaaqeeyn habeennimadii xalay August 30, 2017; iyagoo bilaabay iney buurta Carrafo koraan, iyadoo Xujeyda intooda badanina ay soo dhaqaaqeen qorrax soo baxii waxyar ka hor, si ay u gutaan Rukniga ugu weyn ee Xajka oo ah istaagga Carrafa.

Marka ay qorraxdu dhacdo ayaa dadku u rogmanayaan dhanka “Muzdalifa”, makhtib iyo Cishaa’i halkaas ayay ku tukanayaan illaa waabarigana halkaa ayay ku sugnaanayaan; iyagoo gudanaya waajibka ah in Muzdalifa lagu baryo.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Sucuudiga ayaa lagu sheegay in ay shaqaaleysiiyeen 300 kun oo iskugu jira ciidan iyo dad madaniya ah oo u adeegaya Xujeyda guriga Alle, waxaana ka shaqeynaya Xajka 21 kun oo gaari oo loogu talogalay iney daabulaan in ka badan Labo milyan oo qof.

Sidaas oo kale hay’adda gaarka ah ee horumarinta Makka al-Mukarama ayaa soo gabagabeysay 14 mashruuc oo ay ku baxday 300 milyan oo riyaal Sucuudi ah, si loo fududeeyo adeegga Xujeyda.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa Boqortooyada Sucuudigu ay ku dhawaaqday in sanadkan ay soo Xajiyeen in ka badan 2 milyan oo qof, waxaana dib dalalkoodii loo celiyay 400 kun oo kale oo soo buuxin waayeen shuruudahihii looga baahnaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close