WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciid al-Adxaa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee al-Adxaa.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasillooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

Sida warbaahinta Dawladda lagu soo daabacay, madaxweynaha ayaa yiri: “Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”

Madaxweynaha waxa uu si weyn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close