WararkaWaxbarashada

Arday Ku Dhimatay Dab Ka Kacay Iskuul Ku Yaalla Gudaha Kenya

Todobo gabdhood ayaa naftooda ku waayay dab ka kacay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi, halka 10 kalena ay ku dhaawcmeen, waana sida uu sheegayo wasiirka waxbarashada Kenya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Fred Matiangi ayaa sheegay “Waxaan weynnay 7 gabdhood oo ka tirsanaa iskuulka gabdhaha ee Moi Girls High School, oo aan ku waynnay shilkaas.”

Mataiangi oo ah sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Kenaya, ayaa hadalkiisa raaciyay “Waxaa waajib ah inaan ogaanno sababta dhabta ah ee ka dambaysa. Booliskuna waxay iyo koox dambi baarista waxay bilaabeen baaritaanka arrintaa, waxaana idiin caddeyn karnaa inaan arrintaa taallaabo adag ka qaadi doonno.”

Iskuulkan oo ay dhigtaan in ka badan 1000 arday ayaa xirnaan doona muddo 2 isbuuc ah inta baaritaannadu socdaan.

Ugu dambeyn, Dowladda ayaa baareysa in dabkani uu xiriir la leeyay kuwii kal-hore ee 2016 kadib markii 100 arday oo dhamaan daaaha kala duwan ee Kenaya ah ay u dhinteen dab ka kacay iskuulaadka gudaha Kenya.

afp

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close