CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Guurka oo Kordhiya Fursadaha Nolosha ee Bukaanka Cudurrada Wadanaha

Cilmibaaris dhawaan soo baxday ayaa lagu ogaaday in guurku uu kordhinayo fursadaha nolosha ee dadka qaba cudurada wadnaha oo ah cudurka ugu badan ee dadka dunidu u dhintaan casrigan dambe.

Cilmibaarista ayaa sheegtay in fursadaha nololeed ee dadka is qaba ay kordheyso 14%, marka loo eego kuwo kale ee isla cudurka qaba ee kalinimada ku nool.

Daraasadda ayaa lagu  tilmaaamay in daryeelka qoyska uu kaalin mug leh ka qaato nolosha dadka curada khatarta ah ee dhanka wadnaha iyo kuwa la xiriira qaba, maadama is xasuusin dhanka dawada ah iyo daryeel  joogta ah ay isku fidinayaan dadka xaaska ah ee is qabaa.

Paul Carter oo ka tirsan jaamacadda Aston University ee Birmingham isla markaana daraasaddan hogaaminayay ayaa yiri : “Waxay u badan tahay in joogitaanka lamaanaha ee guriga gudihiisa ay isku fidinayaan garabkii midba uu kan kale uga baahanaa.”,  taasina ay fursadaha noloshooda kordhineyso.

Cilmibaarayaasha ayaa waxay falanqeyn ku sameeyay datada bukaanka cudurada wadanaha ee sanadadii 2000-20013 ee isbitaallada Ingiriiska la dhigay, iyadoo dadka bukaanka ah ee daraasaddan ay ahaayeen kuwo cudurka wadanaha dartii isbitaalka loo dhigay iyo kuwo kale oo looga cabsaday iney cudurada dhanka wadnaha.

Dadka lamaanaha ah ayaa la arkay iney ka fursado fiican yihiin kuwa kale dhanka nolosha 16% dadka Kolostaroolka qaba, halka 14% ay ka fursado fiican yihiin dadka cudurka sonkorta qaba,  10% ay ka fiicnaadeen dadka kale ee dhiigkarku hayo.

Ugu dambeyn, daraasaddan ayaa inoo sheegaysa in qofka xanuusan oo cudurada xilliyada dheer lala noolaado qaba markastaaba ay u wanaagsan tahay nolosha guurka oo uu qofku ka heli karo daryeelkii dhanka nolosha ee u baahnaa, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha degdeg ah oo qofku kaligii aanuu waxba qabsan karin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close