arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Forbes…5 Maalqabeen ee Soomaalida Ugu Taajirsan

Somaliya oo loo aqoonsan yahay iney tahay dal fashilamy oo ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu leeyahay deegaan siyaasadeed oo aad u adag oo in lagu dhex ganacsadaa uu dhib badan yahay, laakiin shacabka Soomaaliyeed ayaa ah dadka ganacsiga ugu firfircoon guud ahaan qaaradda Afrika, waana sida lagu sheegay jornalka Forbes ee arrimaha dhaqaalaha caanka ka faallooda.

hadaba, website-ka caanka ah ee ka  faallooda dhaqaalaha & ganacsiga adduunka ee fadhigeesu yahay dalka Mareykanka Forbes ayaa boggiisa kusoo qoray warbixin la xiriirta 5 milyoneer oo Soomaaliya oo shirkadaha ay leeyihiin sanadkii ay soo xareeyaan qaarkood lacago ka badan $10 milyan.

Shanta qof ee ay warbixinta xustay waxaa ay kala ahaayeen:

1. Cabdirashiid Ducaale

cabdirashiid dahabshiil

Cabdirashiid Ducaale oo ah madaxa ugu sarreeya ee shirkadda Dahabshiil ayaa ka mid ah shanta qof. Warbixinta ayaa xustay in shirkadda Dahabshiil uu aasaasay aabaha Cabdirashiid Ducaale iyadoona intaasi ay raacisay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ay soo tabisay dakhli ka badan $1 bilyan iyo Dahabshiil Group ay leedahay 95% saamiyada shirkadda isgaarsiinta Somtel.

2. Cabdirisaaq Iidoow

Qoraalka Forbes ay daabacday ayaa lagu xusay in Cabdirisaaq Iidoow uu kamid yahay milyoneerada Soomaaliyeed uuna yahay aasaasaha shirkadda isgaarsiinta Nation Link oo haysata in ka badan 700,000 oo macmiil ah oo isticmaala adeegyada kala duwan ee shirkadda ay bixiso, waa sida Forbes lagu qoraye.

3. Maxamed Abshir Cabdi

Maxamed Abshir ayaa sidoo kale kamid ah milyoneerada, waxaana lagu sheegay in hantidiisa inta ugu badan uu ka sameeyay dhoofinta kalluunka iyo kheyraadka badda, waana milkiilaha Xaafuun Fishing Company.

Shirkaddiisa, Hafun Fishing Company, waxaa ay sanadkii soo saartaa dakhli ka badan $10 milyan.

4. Ismaaciil Axmed

ismaaciil axmed

Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha WorldRemit oo ah shirkad u fududeysa in ehellada iyo ganacsatada ay lacag isu diraan iyagoo wadamo kala duwan joooga. Axmed Cismaaciil ayaa kamid noqday 5 milyoneer ee Mr Nsehe uu ku daabacay Forbes.

5. Aamina Mooge Xersi

aamina mooge xirsi

Aamina Mooge oo kamid ah ganacsatada ugu caansan dalka Uganda ayaa ka mid ah 5 milyoneer, waxaana warbixinta lagu sheegay in ay lacag ka sameysay hantida maguurtada ah  iyo ka ganacsiga shamiitada.

Waxaa ay hadda leedahay mid kamid ah moolaalka ugu weyn magaalada Kambala. Warbixinta waxaa ay intaasi kusii dartay in warshadeeda sokorta soo saarta ee  Atiak Sugar Factory in ay waqooyga Uganda ka hirgelineyso warshad kale oo sokorta soo saarta oo ay ku maalgelin doonto $120 milyan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close