WararkaWaxbarashada

Wax ka Ogow Sheekadii Ugu Yaabka Badneyd ee Xajka Sanadkan!!

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Indonesia da’diisuna ay tahay 28 jir ayaa magaalada Makka al-Mukarama lug ku gaaray, kadib markii uu jaray 9000 Km, si uu waajibaadka Xajka u guto.

Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Khumeym oo da’diisu tahay 28 jir, ayaa waxa uu ka soo jeedaa  Pikalongan dhexbartamaha gobolka Java ee dalka Indonesia, waxa uu dalkiisa kasoo dhaqaaqay 10 habeenimo 28 August 2016, waxaanuu usoo dhaqaaqay dhanka magaalada Makka isagoo lugtiisa maalaya, safar qaatay sanad buuxa oo uu ku jray masaafo dhan 9 kun oo kiiloomitir.

Website-ka “alekhbariya.net” ee dalka Sucuudiga oo soo xiganaya Indonesia today ayaa qoray sheekada wiilkan dhalinyarada ah oo safar khataro badan galay, markii uu soo baxayay waxa uu watay oo qura boorsadiisa dhabarka, nuqul Musxafka Qur’aanka Kariimka ah, labo shaar, labo surwaal iyo kabo, 12 sharabaad(iskaalsho), iyo bustayar oo kan hurdada ah, teendho yar oo tan dhabarka lagu qaato ah, calanka Indonesia oo yar,  jiheeye iyo khariidad iyo 3 milyan oo rubiga Indonesia ah oo ah lacag ku dhaw 850 Riyaal Sucuudi oo u dhiganta $227 oo kaliya.

Aabaha dhalay Maxamed oo 74 jir ah ayaa yiri: “Mar kasta oo uu wiilkaygu arrin uu si dhab ah u go’aansado wax ka hor istaagi karaa ma jiraan, waa nin kal adag oo go’aankiisana ka dhabeeya”.

Bilowgii hore qoyskiisu way ka yara shakiyeen in wiilkoodu awooddaa leeyahay oo masaafada intaa le’eg uu lug ku jari karo, waxayna ka codsadeen inuu arritaa iska joojiyo, laakiin inuu joogo cidina way ku qancin kari wayday.

Waxaa Maxamed uu sheegay inuu safarka Habeenkii aad u jeclaa isagoo tooshkiisa un ku socda, maalintiina waxa uu doorbidayay inuu ku nasto  masaajidda iyo hooska guryaha waaweyn iyo keymaha wadamadii uu safarkiisa ku maray.

Maandeeq FM

Related Articles

Close