WararkaWaxbarashada

Xayawaan U Eg Maskaxda Aadanaha oo Markii Ugu Horreysay la helay!

Waxaa daaha laga rogay oo markii ugu horreysay la helay noole marka ugu horreysa ee aad aragto u eeg maskaxda aadanaha, waxaana laga heley badyarey loo yaqaanno baddii luntay oo ku taalla gudaha  beerta weyn ee Stanley Park gudaha Vancouver ee dalka Canada.

Makhluuqan cusub oo midabka bunniga ah leh ayaa kasoo dhex muuqday gudaha badyareyda, waxaana uu ka tirsan yahay xayawaanka nooca loo yaqaanno “Bryozoans-ka”, waana noole ka kooban boqolaal noole oo ilmaqabit ah oo loo yiraahdo “Zooids”.

Waxaa la aaminsan yahay in makhluuqani uu noolaa boqolaal milyan oo sano ka hor Dinasorka inta aanuu dhulka ku tarmin, waxaana ay u muuqataa inuu hadda markale soo tarmayo, laakiin culumadu illaa iyo hadda waxaaney ogeyn arrin ka dabeysa inuu markale dib u tarmo, waxaase qaarkood u aaneynayaan isbedelka cilmillada oo ku khasbay ayay leeyihiin in makhluuqani uu kasoo baxo deegaankii uu ku noolaa ee uu ku qarsoonaa.

Waxa kale oo culumadu ay sheegayaan aragti kale oo ah in xayawaanku uu deegaankaa iskaga jiray laakiin tani ay tahay markii ugu horreysay ee indhaha laga qaado ee la arko ay tahay.

Isha wararka: Daily Mail

Related Articles

Close