WararkaWaxbarashada

8 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Gudaha Mareykanka

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Mareykanka, kadib markii kooxo  Qowleysato ah ay kusoo bateen dalkaas, kuwaasi oo isugu jira Soomaali, Ajaanib Mareykan ah iyo kuwo kale oo soo galooti ah.

Ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka, dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey, waxaana la aaminsan yahay in kooxahaasi qowleysatada ah ay ka dambeeyaan dilalkaasi burcadnimada la xiriira ee loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeedee  magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu soo wajahay culeys weyn oo ay ku aaddan dhanka dilalalkan soo xoogeysanaya.

“Waxaa horey dhib ugu qabi jirnay dhalinyaro ka hooseysay 20 jir, kuwaasi oo aan waxbarasho haysan oo bulshadu dhibaataynaya, balse hadda kuwaan waa kuwo ka waa weyn. Waa qowleysato isugu jirta dhalinyaro Soomaali ah, kuwo Mareykan u dhashey iyo kuwo kale, ilaa 8 qof ayaa bilihii ugu dambeeyey la dilay, Bishii June, 3 qof ayaa la dilay, July wiil ayaa la dilay August 2 wiil, marka waa dhibaato xoogan.”

Soomaalida kunool gobolkaasi Ohio ayaa kulamo la yeeshey Booliska si looga hortago dilalkaa sii xoogeysanaya, balse waxaa adag in la helo xogo ku saabsan sida ay wax u dhacayaan, sababo la xiriira waalidiinta oo ka cabsi qaba in hadii ay farta ku fiiqaan kooxahaasi ay dhibaato la kulmi karaan.

Sababaha ugu weyn oo keentey in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ka qeybqaataan falalkaasi qowleysatanimada ah ayaa ah, Waalidiinta oo inta badan caruurto ka maqan oo aan la joogin, waalidka oo kala maqan iyo deegaannada qaarkood oo aan wanaagsanayn, Soomaalida ayaa walaac xoogan ka qaba arrintaasi.

Isha Warka: VOA.

Maandeeq FM

Related Articles

Close