CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daahrog Khatar ah oo Aan Horey Looga Ogeyn Fayruuska Zika

Cilmibaarayaal ayaa ogaaday in fayruuska Zika uu awood u leeyahay inuu ku tarmo nuguyada qanjirka ‘insensate’ ee aadanaha, taas oo noqoneysaa il cusub oo fayruusku ku faafo oo aan horey loo ogeyn, kaas oo hadhow xiriirka lamaana lagu kala qaadayo.

Horey waxaa loo helay kiisas sheegaya in fayruuska lagu kala qaado dhanka galmada iyadoo manida laga helay fayruuska Zika iyo kaadida ragga cudurka qaba.

Dhakhtaradda la yiraahdo Rebecca R. Riko-hess iyo saaxiibadeedda kulliyadda Baylor ee caafimaadka ee magaalada Houston, gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa waxay sameeyeen baaritaanno natiijadooda lagu faafiyay joornaalka cudurrada faafa lagu soo daabaco ee gudaha Mareykanka ka soo baxa.

Cilmibaarayaasha ayaa yiri, ” Natiijooyinka aan gaarnay waxay tilmaamaysaa in daaweynta xubnaha taranka ee dadka fayruuska Zika uu ku dhacay ay  fasiraad u noqon karto in cudurka galmada lagu kala qaado, waxaanse caddeyn hadda tirada dadka wadadan cudurka ku qaaday, oo hubaal ay tahay iney culeyska kusii  kordhineysa tiir horey ee kaneecadu u sababaysay”.

Waxay intaa sii raaciyeen “Mar haddii qaadista Fayruuska uu ka imanaayo dhanka xiriirka lamaanaha taa macneheedu waa inuu meel Duumada(kaneecada) ka dibadda ah uu cudurkii ku faafi karo, taasina ay keenayso dhibaato hor leh oo raadkeeda ka dhalan kara in la koobaa ay adkaan doonto.”

Fayruuska Zika ayaa waxaa lagu kala qaadaa qaniinyada duumada cudurka xambaarsan, markii ugu horreysay waxaa laga helay dalka Uganda sanadkii 1947 oo daanyeerro cudurka qaba la arkay, aadanaha waxaa lagu arkay sanadkii 1952 oo kiisas laga helay dalalka Uganda iyo Tanzania, cudurkanina waxa uu ku faafay Afrika, Asia, iyo Mareykanka. Fayruuskan ayaa dadka xambaarsan waxa ay dhalaan ilmo madaxa u yar, waa sida la aaminsan yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close