WararkaWaxbarashada

Da’da Ugu Sarreysa ee Qof Aadane ah Uu Cimrin Karo oo La Ogaaday

Koox Saynisyahanno ah oo u dhashay dalka Nederland ayaa waxay sameeyeen daraasad ku saabsan cimriga ugu dheer ee qofka aadanaha uu gaari karo, sida lagu soo daabacay websiteka jaamacadda Tilburg.

Culumada ayaa hoosta ka xariiqay in cimriga ugu dheer ee qofka aadnaha uu gaari karo uu yahay 114,1 sano dhanka ragga, halka dumarkan uu yahay 115,7 sano.

Cululmada ayaa natiijadan gaaray kadib markii ay baaritaanno ku sameeyay 75 kun oo qof oo dadka Nederland u dhashay ah oo geeriyooday 30 kii sanno ee lasoo dhaafay da’dooduna ay ka badneyd 94 sano.

Culumada ayaa arkay in cimriga ugu dheer ee qofka aadanaha uu gaari karo aanuu isbedel ku iman mudadadii u dhaxaysay 1986 illaa 2015.

Qofkii ugu cimriga dheeraa inta la ogyahay lana diiwaan geliyay waa Jeanne Louise Calment oo ah haweynay u dhalatay dalka Faransiiska oo ku geeriyootay da’da 122 sano iyo 164 maalmood.

Maandeeq FM

Related Articles

Close