WararkaWaxbarashada

Jaamcad Ku Taalla Kanada oo Laga Dhacay 12 Milyan oo Doolar

Jaamacadda McEwan ee dalka Canada ayaa laga dhacay lacago 12 milyan oo dollarka dalka Canada ah oo u dhiganta 8 milyan oo Euro, kadib markii ay jaamacaddu lacagaha u xawishay e-maillo khaldan oo niman tuugo ah ay leeyihiin.

Tuugada ayaa isku matalay qaar ka mid ah macaamiisha shirkaddaha ay jaamacaddu xiriirka la leedahay ee adeegyada qaar jaamcadda u fidiya, waxayna u sheegeen shaqalaha biilasha in accounts-kii hore ee lacagta lagu bixin jiray la bedelay sidaa darteedna ay account cusub ay lacagta kusoo diraan, waana sida uu faahfaahiyay David Bihari oo ah afhayeen magaca jaamacadda ku hadlay oo ah meel ku taallada  Edmonton ee galbeedka Canada.

Jaamacadda ayaa saddex mar lacagta kala xawishay markii Koowaad waxaa la xawilay 1,9 milyan iyo 200 kun, 9,9 milyan oo dollarka Canada ah si is xig xiga bishii  August, arrintaasina waxay ku dhacday khalad  ay ku sameeyeen shaqaalaha biilasha bixiya oo moodayay iney lacagta u xawilayaan macaamiishooda dhabta ah.

Qofkii lacagta lahaa ee macmiilka saxda ahaa ayaa jaamacadda soo wacay kadib markii lacagta bixinteedii laga dib dhacay, jaamacaddu waxay isla markiiba ogaatay in lacagtii la xaday, waxayna la xiriireen Bankigii ay lacagta ku xawileen si lacagtii loogu soo celiyo.

Waxaa lacagtii laga gaaray 11,4 milyan oo dollar oo saddex accounts oo ku kala magaalada Montreal, Hong Kong, laga kala helay,  laakiin waxaa salkeedii la gaari waayay 400 kun oo dollar oo Accounts-ka lagala baxay.

Jaamcadda ayaa wadda howlo dabagal ah oo ay maxkamadda kula tiigsaneyso dadkii xeeladeysigaa lagu sameeyay ka dambeeyay ee lacagta xaday. Dhaca noocan oo kale ah ayaa ah kii ugu weynaa ee ka dhaca gudaha Canada ee dhanka ugaarsiga burcadda lacagaha electaronigga ku fuliyeen jaamcadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close