WararkaWaxbarashada

Obama oo Noqonay Kan Ugu Miisaaniyadda Badan Madaxweynayaashii Hore ee Mareykanka

Jariidada la yiraahdo Washington Times ee kasoo baxday gudaha dalka Mareykanka  ayaa soo daabacday in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu miisaaniyadda  dowladda Mareykanka ee sanadkii ku baxaysaa ay gaarayso Hal-milyan oo dollar in ka badan.

Sida ay sheegayso jariidada Washington Times” miisaaniyadda sanad laha ah  ee dowladda Mareykanka  u qorsheysay madaxweynihii hore ee Barack Obama  2018 ayaa la gaarsiinayaa 1,15 Milyan oo dollar. Sidaa darteed waxa uu noqonayaa madaxweynayaashii hore kan ugu miisaaniyadda ee abid  taariikhda Mareykanka.

Kharashaadkan ayaa ka badan $100.000 tan loogu talogalay George W. Bush’s-kii ka horreeyay, waxaanuu $200,000 kasii badan hay Bill Cilinton miisaaniyadda loo filayo, George H.W. Bush(weyn) ayaa isna waxaa u qorsheysan $942,000, halka Jimmy Carter uu intaa kala barkeeda heli doono oo ah $456,000.

Jariidada ayaa intaa sii raacisay in miisaaniyadda Madaxweynihii hore ay intaa kasii badan tahay , waxay dowladdu bixineysaa xafiisyada xiriirka dadweynaha ee uu madaxweynuhu furto, iyadoo kharashaadkanina ay ka madax banaan yihiin kuwa loogu talogalay dhanka sugidda ammaankiisa gaarka ah sida ay leedahay jariidada oo warbixinta soo daabacday Arbacadii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Qof kasta oo xilka madaxweynaha ka qabta dalka Mareykanka ayaa waxa uu xaq u leeyahay inuu helo xafiis iyo kharashaadkiisa oo dhameystiran, lacago howlgab sanadle ah, waxaana sidaa uu qorayo qaanuun soo baxay sanadkii 1950 oo madaxweynihii hore Harry S. Truman xilligiisii la meel mariyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close