WararkaWaxbarashada

Tahriibayaal Soomaali ah oo Lagu Qabtay Xuduudda K/Suudaan

Ciidamada Koonfurta Suudaan ayaa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ku  wareejiyay 21 Tahriibayaal ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka u dhaxeeya Labada Suudaan, kooxdan ayaa ku sii jeedday dalka Liibiya.

Tahriibayaashan 21 ka ah ee la keenay caasimadda Jubba 4 ka mid ah waa dumar, waxaana lagu wadaa in safaaradda iyo bulshada Soomaaliyeed ee dalkaa ku dhaqan ay iska kaashaadaan soo qaadista dadkaasi.

Horey waxaa saafaradda Soomaalida ee Jubba loo keenay 35 qof oo tahriibayaal ah, 25 wiil iyo 10 gabadh, gabdhihii waxaa intooda badan la keenay Soomaaliya halka wiilashada 17 ka mid ah oo Mallaariya laga daaweeyay ay codsadeen in Soomaaliya loosoo celiyo, inta kalana la geynayo Kaam ku yaallo Jubba.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay Goobjoog News oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa waxaay sheegayaan in dowladda federaalka ah ay sii deysay 5 Magafe oo qeyb ka ahaa tahrribinta Soomaalida, kuwaas oo ay soo qabteen ciidamada Koonfurta Suudaan.

Ugu dambeyn, dowaldda Federaalka ayaa sheegtay iney la imaan doonto qorshayaal ay dhalinyarada kaga celinayso tahriibka, laakiin illaa hadda ma jiraan tallaabooyin cadcad oo arrintaa wax looga qabanayo oo ay waddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

koonfurta Suudaan1

Maandeeq FM

Related Articles

Close