WararkaWaxbarashada

Xujeyda Degdegsan oo Ay Maanta Ugu Eg Tahay.. Halka Kuwa Kalena Ay Barri Soo Afmeerayaan

In ka badan 2.3 milyan oo Xaaji ayaa ku sugan Muna si ay u sameeyaan dhagax tuurka maalinta labaad ee maalmaha Tashriiqa, iyadoo qofka degdegsan uu Muna ka tagayo inta aaney qorraxdu dhicin maanta oo Axad ah kadib markii uu dhagax tuurka dhameystirto, kadib waxa uu aadayaa dhanka Kacbada si uu u guto Dawaafka sagootiska ee loo yaqaanno Dawaaf al-Wadaac.

Xujeyda ayaa habeennimadii xalay ku baryay Muna si ay u gutaan dhaxagtuurka loo yaqaanno “Jamtar al-Caqaba al-Kubraa”, kadib markii maalintii Jimcaha ee darraad ay  Xujeyda u ahayd maalintii Gowraca oo rucleyntii buuraha Safa iyo Marwa iyo xiirashada oo ahaa 10 Dul-Xaj.

Xujeyda waxay muno joogayaan Muna saddex maalmood oo ay samaeynayaan dhagax tuurka yar iyo kan weyn, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in bani’aadamka la xasuusiyo cadaawadda Sheydhaanka oo goobaaha dhagax tuurka kaga horyimid Nabi Ibraahiim CS.

Dhaxtuurka Sheydhaanka ayaa ah  saddexda maalmood ee loo yaqaanno maalmaha Tashriiqa oo ku eg barri oo Isniin ah, kadibna  Muna way ka hayaamayaan dhammaantood iyagoo u jihaysanaya dhanka magaalada Makka oo ay ku gudanayaan dhawaafka sagootiska ee loo yaqaanno Dawaaf al-Wadaac.

Sanadkan ayaa tirada dadka Xujeyda ah waxay gaartay Labo Milyan iyo 350 kun oo Xaaji, iyadoo milyan iyo 750 kun in ka badan ay ka yimaddeen dibadda Sucuudiga iyagoo matalaya 168 jinsiyadoo oo kala duwan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close