WararkaWaxbarashada

Dhismaha Jirka Aadanah oo aan Suurogelinayn inuu Ku Noolaado Meere Kale

Saynisyahan sare oo Mareykan ah oo Neil DeGrasse Tyson oo ku takhasusay Physics-ka xidigaha ayaa ka hadlay dhibaato cusub oo aadanaha ka hor istaageysa inuu ku noolaado meere kale oo aan dhulka ahayn, iyadoo ay jirto in la gaaray teknoloojiyad suurtogelinaysa in la dago meerayaal kale sida Mars oo kale.

Jariidada la yiraahdo the Telegraph ee kasoo baxday dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in kadib malaayiin sano oo la qabsi ah ay ka dhigayso in aadanahu uu dhulka ka guuro meera kalena uu u jihaysto mid adag.

Koox saynisyahanno u dhashay Ruushka iyo Kanada ayaa baaritaan ku sameeyay crogravity saameynta ay ku yeelatay dhiigga 18 cirbixiyeen Ruusha ah oo muddo lix bilood ah ku noolaa xarunta caalamiga ah ee cirbixiyeennada Adduunka ee ISS.

Cilmibaarayaashu waxay heleen isbedel habdhiska difaaca jirkooda ku yimid, sidaa darteed waxay la dhibaatoodeen oo ay iska difaaci waayeen fayruuska ugu tabarta daran ee Hargabka(Durayga).

Professor Aevgeny Nikolayev oo ka tirsan mac’hadka sare ee Moscow ayaa yiri “Natiijooyinka waxay sheegayaan marka garaafatiga la waayo, habdhiska difaaca jirka si aan habeysnayn ayuu u shaqeynayaa, waxa uu sameeyana ma garanayo, heerka ugu sarreysa ee feejignaan ah wuu galayaa.”,  maadama xaalad cusub oo aanuu garanayn jirku uu waajahayo.

Illaa qarnigii 20aad culumada waxay daraasado kala duwan ku sameynayeen raadka ay aadanaha ku leedahay duulista dhanka hawada sare, waxaan la ogaaday in garaafatiga hoose uu saameyn ku yeelanayo nidaamka raashinka jirka, heer kulka, garaaca wadnaha, xubanah jirka iyo nidaamka neefsashada, waxaana aad u adag in aadanuhu ku noolaado meere aan dhulka ahayn nolol dabiici ahna uu ku helo.

cirbixiyeen

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close