WararkaWaxbarashada

Xafladda 20 sano Guurada Aasaaska Jaamcadda Camuud oo Maanta ka Dhacaysa Borama

Xaflad ballaaran oo loo qabanayo sanad guuradii 20aad ee jaamacadda Camuud ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Xafladdan ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qeybgalaan madax sarsare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo madaxda Xisbiyada kala duwan iyadoo guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe uu habeennimadii xalayba ku baryay magalaada Borama oo ay Xafladdu ka dhacayso.

Sida wararku ay sheegayaan guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyaa isagu si gaar ah xil iskaga casuumaadda madaxda kala duwan ee Somaliland.

Jaamacadda Camuud ayaa 5Km ka xigta dhanka waqooyi magaalada Borama ee gobolka Awdal, jaamacadda ayaa la aasaasay 1996, iyadoo goobta ay jaamacaddu ku taallo markii hore ay ahayd dugsigii sare ee Camuud. Jaamacadda ayaa ka mid ah jaamacadah fara ku tiriska ah ee waxsoosaarka aqoonta ugu sarreya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close