iskuulladaUncategorizedWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Xiriirka Joogtada ah Ee Waalidku La Leeyaha Goobta Waxbarashada oo Nacfiga Ugu Badan Ardaygu Ka Helayo

Xiriirka wanaagsan ee joogtada ah ee waalidka, maamulka, macallinka iyo Ardayga ayaa kaalin lixaadleh ka ciyaara kobcinta garaadka waxbarasho ee ardayga iyo xoojinta kaalintiisa waxbarasho.

Wariyaheenna Faarax Cabdi ayaa makarafoonka Maandeeq FM la dhex maray, maalmulka iskuulaadka qaarkood, waalidiin, macaalimiin iyo arday intuba si wadajir ah uga hadlaya muhiimaadda ay waxbarashada u leedahay is kaashiga wanaagsan ee waalidka, maamulka, macallinka iyo ardayga ee waxbarashada heerar keeda kala duwan.

Maamulaha Dugsiga Tusmo Cabdullaaahi Cali Axmed ayaa xiriirka ku tilmaamay mid aad iyo aad muhiim ah oo ardayga ka dhigaya mid dhisan: 

“Xiriirku waa mid aad iyo aad muhiim u ah waana laba tiir ee dugsi waxbarasho ku taagan yahay, haddii labadaa tiir la waayana waxbarashada halkaa kasoo baxaysaa waxay noqoneysaaa mid ardayga kasoo bixi doonaa uu noqonayo mid aan u diyaarsaneyn sidii loo baahnaa. Arday iskuulka joogitaankiisu aad u bato, maqnaanshihiisuna uu yaraado taas oo aad iyo aad muhiim ugu ah waxbarashada, isla markaana uu noqon karo qof wacyi gashan oo og waxa meesha lagu dhigay waxna aysan ka maqneyn. Dhinaca kale haddii maqnaanshiyuhu uu bato waxaa imaneysa in maalmo badan cashar dhaafo, haddii Lix xisaado oo xiriir ah ay dhaafo(Maalin kaliya), way ku adkaan doontaa inuu dib kaga soo kabsado.”

Cabdifataax Maxamed Ibaraahim oo ah mid ka mid ah waalidiinta ay ardaydu u dhigtaan waxbarashad heerarkeeda kala duwan ayaa aaminsan in xiriirka joogtada ah ee waalidku uu la leeyahay goobta waxbarasho ay ardayga caqabado badan ka fududeynayso:

“Maamulka iyo waalidka marka ay xiriir wanaagsan leeyihiin, waxaa kasoo bixi kara arday wanaagsan, ardaygana waxyaabo badan ayaa uga fududaan kara, marka la ogaado ardayga waxyaabaha culeyska ku ah,  waalidkiina uu ogaado ardaygiisa meesha uu ku liito, waalidku marka uu xogtaa helo waxa uu ka fudueynayaa caruurtiisa wixii culeys ah ee soo waajaha sidii uu uga dufudeyn karo, sida; inuu macallin guriga ugu dhiga uu u uqabto iyo inuu geeyo meelo uu ka siyaadsan karo xilliyada uu firaaqa leeyahay.”

Maxamed Muxyiddiin Axmed oo ah macallin wax ka dhiga dusiyada Muqdisho mid ka mid ay ayaa noo sheegay in xiriirka Afar-geesoodka ah faa’idada ugu weyn ay ku noqoneyso ardayga:

“Markii Macallinka maamulka iyo waalidka iyo ardaygu ay wada shaqeeyaan, halkaa waxaa kasoo baxaya arday diyaarsan una carbisan inuu waxbarto bari ka maalinna ka gun gaara hadafkii uu ka lahaa noloshiisa. Laakiin marka aan dhanka kale ka fiirinno marka aan maamulkii iyo waalidkii iyo macallinkii aysan isku xirneyn caqabado badan ayaa ka imaan karo oo ay ka mid yihiin inuu ardaygii iska maqnaado,  waalidkii uusan ogeyn maamulkii, ardaygaas oo hadhow waxbarashadiisa ka gaari waaya halka uu doonayay ama uu asaaggii ka haro.”

Cabdullaahi Xuseen Yuusuf oo ah arday wax ka barta mid ka mid ah iskuulaadka Muqdisho ayaa isna qaba iney ardayda dhiirigelin wanaagsan ka helaan marka ay maqlaan in waalidka hortiisa amaba macallimiinta kale dhexdooda laga ammaano:

“Waxay keenaysaa in ardayga uu waxbarashadiisa la socdo, haddii casharro loo diro uu kasoo shaqeeyo, macallimiintu ardaygaa wanaagsan iney kusoo qaataan shirarkooda gaarka ah.”

Si kastaba, Waalidiinta Soomaaliyeed inta badan kuma baraarugsana kaalintooda kaga aaddan dhanka waxbarashada ubadkooda iyo iney xiriir fiican la sameystaan maamulka iyo macallimiinta jooga iskuula ay ubadkoodu wax ka bartaan, taas oo muhiimaddeeda la gaarsiinayo iney ka mid tahay tiirarka waxbarashada ugu muhiimsan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close