WacyigelinWararkaWaxbarashada

Astaamaha Lagu Garto Qofka Hal-abuurka ah

Qofka hal-abuurka ah waxa uu leeyahay sifooyin u goonni ah oo uu kaga duwan yahay asaaggii, sida shumaca oo kale uga dhex ifayo. Afkaaraha cusub iyo hal-abuurrada uu hayo ayaana ka dhigaya inuu dadka kale kaga duwanaado astaamo goonni ah oo isaga u gaar ah uu yeesho.

Hay’adaha iyo shirkadaha waaweyn waxay aad u raadiyaan dadka hal-abuurka leh oo muhiim u ah horumarka shirkad kasta oo la filayo iney tis qaado.

Hadaba, waxaa jira astaamo goonni ah oo dadka hal-buurka ah la arkay iney ka siman yihiin oo raggii horumarka fiicnaa ka gaaray aqoonta, horumarka iyo teknoolijiyada dunida wax kusoo kordhiyay ay ka sinnaayeen, waxaan ka mid ah:- 

1 – Waa qof curin leh oo aan marnaba afkaartiisu joogsaneyn

Waa qof raadiya waxyaabaha dadka cusub maskaxdoodana aan si sahlan ugu soo dhici karin.

2 – Marwalba waa qof wax cusub raadiya

Shakhsiga hal-abuurka leh meel qura kuma istaago, kumana qanco oo ku ma filan guulo hore uu u gaaray waxa uu raadiyaa guulo cusub oo hor leh.

3 – Waa Qof hami weyn

Haddii uu qofku yahay mid hal-abuur leh waxaa shaki la’aan ah inuu yahay qof hami weyn oo meelo dhaadheer tiigsanaya, sidaa darteed waxyaabo yaryar iyo meelo hoose kuma qanco.

4- Waa qof Flexibility Leh oo jilicsan

Cid kasta oo wax ka sheegta diyaar ayuu u yahay inuu dhaliishiisa ka dhageysto,  dhaliishiisa in loo sheego kama boodo mushkilad kastana xal ayuu u raadiyaa si kasta oo ay u adagtahayna wuu ka dabaashaa.

5 – Waa qof xirxiran oo aan Bulshaawi ahayn.

Dhaliisha qofka hal-abuurka ah uu leeyahay waa inuu yahay qof xirxiran saaxiibadiisna ay yaryihiin, haddii uu isku dayo xitaa inuu xiriir fiican sameeyana uuma suurtogasho howlaha horumarka leh uu ku mashquulsan yahay darteed.

Sideed ku noqonkartaa qof hal-abuur leh, eeg warbixin aan horey uga sameeynnay oo halkan Guji

Maandeeq FM

Related Articles

Close