CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Isbedello Ku Yimaadda habdhiska Difaaca jirka Hooyada Xilliga Ay Uurka Leedahay

Xilliga uurka, habdhiska difaaca jirka hooyada waxaa ku dhaca isbedel dhowr ah oo joogto ah, iyadoo ay jiraan isla falgal aad u xeeldheer oo uguyada hooyada iyo kan ilmaha yar ah ilmaha uurka ku jiraa si uu u nabadgalo.

Daraasado dhowr ah  arrintan laga sameeyay ayaa xaqiijinayaan isla falgalka unugyada hooyada iyo kan ilmaha uurka ku jira, iyaddo tijaabooyinka jiirka macmalka oo kaliya uu ku kooban yahay laakiin aan wali aadane lagu eegin.

Sida uu sheegayo Today medical News oo ah wargeys ka hadla arrimaha caafimaadka kuna yaalla gudaha dalka Mareykanka oo cilmibaaris cusub lagu faafiyay Isbuucan ayaa waxaa tooshkaa lagu ifiyay sida uu u howlgalo isbedellada ku yimaadda habdhiska difaaca jirka hooyada ee xilliga uurka.

Dr. Brice Jodilier oo ah professor dhanka qalliinka ah oo ka tirsan jaamacadda Stanford ee California oo daraasaddan qeyb ka ahaa, ayaa isaga iyo saaxiibadii ay soo saareen qaabka uu u yashaqeeyo habdhiska difaaca jirka xilliga uurka dabiiciga ah ee hooyada. iyagoo ku qeybiyay 4 marxaladood oo kala ah:

1: Uurku waxa uu la mid yahay sidii xubin qof lagu beerayo oo kale, sidaa darteed qaabab kala duwan ayuu u shaqeeyaa xilliga canugu beermayo xilliyada kala duwan ee uurka, iyadoo halka uu ilmaha yar ku beermayo aan laga waayeyn unugyada difaaca jirka oo marwalba diyaar ku ah.

2: Ugunyada difaaca waxay la dagaalamaan urungyada canugga beermaya koritaanka udiidaysa, haddii howshaasi ay guuleysan weydo, waxaa dhici karta in ilmihii uu dhasho xilligoodii ka hor amaba uu dhicis noqdo.

3: Unugyada difaaca jirka waxay ilmaha yar u ogolaadaan inuu korriimo sameeyo.

4: Waxa ay u ogolaadaan inuu gudaha u soo galo Microbial ka lagama maarmaanka u ah korriimada ilmaha yar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close