DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Maqaal: Howraarteyda Ku Aaddan ‘Tayada Waxbarashada Dalka’

 

Xuseen Axmed Salad

Macallin Al-Hilal University

Takhasus:

  • Kulliyada Waxbarashada( Luqadda Carabiga).

Heerka Aqoonta: Master Degree.

  • Share’a and law.

Heerka: Bachelor.

maqaalkaan oo tusmadiisu tahay ” tayada waxbarashada soomaaliya’ waxa uu xoogga saarayaa  caddaynta heerka  tayada waxbarashada soomaalia, iyo waxyaabaha saamaynta ku leh sare u kaca ama hoos u dhaca tayada waxbarashada somalia,  sida aan ognahay waxbarshada  waxaa tiir u ah tayo, tiradeedu macna badan ma sameyso hadii aan tayo jirin, hadaba waxaa is weydiin mudan tayada waxbarashada somaliya matahay mid la jaanqaadi karta  heerka iyo halbeegga caalamiga ah oo lugu cabbiro , waxbarashada caalamka? Mase way ka hoo saysaa?

tayada waxbarashada soomaliya waa mid  ka hooseeysa heerka caalamiga  ah, marka labarbardhigo wax barashada ka jirta woddama aduunka horumaray maadi ahaan, waayo waxaa meesha  kamaqan  waxyaabihii asaasiga u ahaa tayada waxbarashada, sida  qalabkii fududeynayey waxbarashada, waqti ku filan, dhismo ku haboon, manhaj ku salaysan awoodda iyo dhaqanka ardayga soomaaliga, maamul ku takhasusay isla markaana xirfad uleh maamulka waxbarashada, iyo macallin dhisan  xagga maadada iyo xagga maskaxda labadaba,  sidoo kale waxyaabaha hoos udhiga  tayada waxbarashada   waxaa ka mid ah, hooseynta wacyiga waxbarasho ee bulshada, iyo warbaahinta  tebisa barnaamijyada mada daalada ah, taas oo mashquulisa arday badan oo  ku jirta da’da waxbarashada.

Khubara badan ayaa qaba in internetka oo waayadan danbe ku batay dalka uu yahay mid ka mid ah sababaha keenay tayo xumada waxbarshada , waayo internet ku waa aalad laba afle ah oo loo adeegsan karo xumaan iyo samaan, laakiin dadka soomalida gaar ahaan  dhallinyarada  waxa ay u adeegsadaan in ay waqtigooda ku lumiyaan.

Sidoo kale tirade jaamacadaha  oo badatay ayaa sabab u noqan karta tayo xumada waxbarashada soomaaliya, waayo jaamacad kasta waxa ay xoogga saaraysaa sida ay u heli lahayd  araday badan iyada oo ka tanaasulaysa shuruuda badan oo laga doonayey ardayga ku biiraya tacliinta sare.

shaqaalaynta ku salaysan eexda iyo qabyaaladda ayaa sidoo kale ah sabab ka mid ah sababaha hoos u dhigay tayada waxbarashada soomaaliya, waayo taas ayaa waxa ay qiima tiraysaa dadkii tayada lahaa, iyadoo laga yaabo inuu ka hormaro qof tayadiisu liidato. sidoo kale waxaa dad badani aa minsanyihiin in  faqrigu yahay mid ka mid ah sababaha keena hoos u dhaca tayada waxbarashada, waayo  qofka faqriga ah ma heli karo waxyaabaha fududeeya waxbarashada.

Sidoo kale sababaha taya xumada keenay waxaa ka mid ah  jaamcadaha oo xooga saara dhigista duruus  sanadka oo dhan. Iyada oo ay meesha ka maqantahay tababaro, dood cilmiyeed, iyo samaynta buxuuth ku saabsan takhasuska ardaygu baranayo.

gabagabadii waxa uu qoruhu soo jeedinayaa talooyinkan :

1- tayaynta  iyo tababaridda macallimiinta.

2- abuuridda manhaj ku saleysan awoodda ,afka, dhaqanka,  iyo diinta ardayga soomaaliyeed.

3- in shaqooyinka dawladda loogu tartamo tayada waxbarasho ee qofku leeyahay.

4- in la abuuro guddi kontoroola tayada waxbarashada.

5- in macallinku uusan dhigin wax aan takhasuskiisa ahayn

6- in la helo maamul xirfad u leh  waxbarashada.

7- in la  sameeyo sharciyo qaran oo qaabeeya tacliinta iyo tayadeeda.

8- in loo qabto ardayda tababaro joogto ah oo la xiriira takhasuskooda.

9- in kor loo qaado qiimaha iyo mushaarka macallinka, waayo taas waxa ay xoog siinaysaa macallinka si uu u guto shaqadiisa si hufan ooh agar la’aan ah. Waxaa jirta oraah abwaan hore yiri oo ah. “Dugsi macallinkiisii dibjiray diin lagama qaado”

 

Qore: xuseen Axmed salaad .

Macallin wax ka dhiga jamacadda al-hilal

00252615223142/00252615655939

Muqdisho, Somalia

banner-kan waxaa designka iska leh Maandeeq FM

  banner-kan waxaa designkiisa sameeyay Maandeeq FM

 Maandeeq FM

Related Articles

Close