WararkaWaxbarashada

12 Ka Mid ah Shaqaalaha Rayidka Puntland oo Ku Guuleystay Deeq Waxbarasho oo Masters Degree ah

Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland waxay iclaamisay natiijada ardaydii u tartamaysay deeqda waxbarasho ee heerka 2aad ee jaamacadda (Masters Degree) ee shaqaalaha rayidka Puntland.

Madaxa isku xirka ee wasaaraddda waxbarashada iyo tacliinta sare  Deeq Hurrevov oo war qoraal ah soo saaray ayaa yiri:
“Dhab ahaantii wuxuu ahaa tartan furan oo ay shaqaalaha puntland si hufan ugu tartameen. Waxaan u mahad celinaynaa guddigii ka shaqaynayay oo ka koobnaa wasaaradda waxbarashada, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo waliba hay’adda shaqaalaha rayidka, dhammaantii waxaan idin leenahay mahadsanidiin shaqaalahana waxaan u rajaynaynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan.”

Halkan hoose ka akhriso warqad kasoo baxday xafiiska agaasimaha tacliinta sare oo ay ku qoran yihiin magacyada 12 qof ee deeqda  waxbarasho ku guuleystay:

 

puntland

Maandeeq FM

Related Articles

Close