DugsiyadaiskuulladaWararkaWaxbarashada

Waxbadan Ka Ogow ‘Maktabadda IFIYE’… Guul iyo Geeddi Hor Leh

Maktabadda IFIYE waxay ka mid tahay maktabadaha fara ku tiriska ah ee ku yaalla gudaha Muqdisho, waxaa aasaasay dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyago jeebkooda si iskaa wax-u-qabso ah ku maalgeliya.

Hadaba, si aan Maktabadda faahfaahin badan uga helno waxaan la xiriirnay guddoomiyaha Maktabadda Saki Cali Gurey, waanuu noosoo diray maqaalkan oo u qornaa sidan:-

La-yaab ma leh in dhallinyaro ku dhalatay, oo ku kortay magaalo ay magacyada hubka iyo rasaastu yihiin waxa ugu badan ee ay carruurtu xafidsan yihiin, laga fisho in ay ka dib-dhacaan asaagood ku nool meelaha ay magacyada buugtu yihiin waxa ugu badan ee ay carruurtu xafidsan yihiin. Waxaase la-yaab ah in muddo sannad ah ay ku suurtagasho in dhaqanka akhriska iyo qoraalku uu ku dhex dhasho, kuna dhex dhaqaaqo bulsho aan dhowr iyo labaatan sano helin xarumo wax-akhris, iyo goobo dhiirrigeliya dhallinyarada aqoon-doonka ah.

Hirgelinta maktabadda IFIYE, oo ah mid loogu talogalay in ay u furnaanto, kana faa’ideystaan bulshada ku nool Muqdisho iyo intii kale ee soo gaari kartaba, waxa ay ka dhiganayd mid ka mida ujeeddooyinkii ugu waa-weynaa ee lagu beegsanayay howlgal ay xarunta IFIYE ku soo jirtay muddo ku siman Afar sano iyo dheeraad.

Haddii awooddu ay tahay tan suurtagelisa qabashada howl kasta, aragtida ayaa iyadana ah shidaalka awoodda dhaqaajiya. Aas-aasayaasha maktabadda IFIYE waxaa mideysay aragti muhiim ka dhigaysay in loo kaco faafinta dhaqanak akhriska iyo qoraalka, waxaana ay ku taamayeen in ay mar uun arkaan dhallinyar Muqdisho joogta, oo ku baratamaysa akhrista, iyo aadista goob wax lagu akhristo (oo maktabadda IFIYE oo kale ah), si la eg, amase ka badan sida loo arki jiray dhallinyaro Muqdisho joogta oo ku baratamaysa colaadda, iyo aadista goobaha la isku colaadiyo (sida aagagga dagaalka oo kale).
Garashada san waa tan kuu sheegta in dhagaxa waddada aad marayso ku gudban aad ka leexiso, xitaa haddii aad awooddo in aad ka tallaabsato, waayo waxaa socodka kaaga dambeyn kara qof aan tallaabsan karin. Haddii aan- tan iyo billowgii waxbarashadeenna- goobjoog u ahayn baahi weyn oo loo qabo goobo wax lagu akhristo oo ardayda iyo dadka kaleba u furan, waxa ay nagu ahaan lahayd garaad-yari iyo ka-gaabinta mas’uuliyad uu gu’ iyo garaad loogu guntan karaba guulle na siiyay, haddii aan iska indho-tiri lahayn u-howlgelidda sidii jiilka naga dambeeya looga ilaalin lahaa in ay ku xannuunsadaan isla qodaxdii aan annagu ku soo xannuunsanay.

Mid kasta oo aas-aasayaasha maktabadda ka mid ah haddii la weyddiin lahaa “maxaa kuu muuqda?”, shaki ka ma taagna in uu ku jawaabi lahaa: “waxaa ii muuqda hummaaga akhristayaal ku fadhiya kuraas aan gacmaheenna ku dhignay qol baaxad leh, oo rogrogaya baalasha buuggaag aan gacamaheenna ku safnay qaanado ballaaran, si looga bogto baahida loo qabo aqoon iyo ogaal iftiimiya nolosha ummaddeed.

Fal taabbagal ah iyo filasho toosan ayaa aan ku dhaqaajinay geeddi uu bartilmaameedkiisu yahay sidii seeska loogu dhigi lahaa maktabadda dadweyne oo fursad siisa inta u hammuun qabta akhrista, ee heli weyday goobo ay uga haqab-beelaan.
Si loo rummeeyo riyadaas, loogana dhabeeyo rabitaankaas quluubteenna soo gufeynaya, sannad ka hor ayaa aan go’aan adag ku gaarnay hirgalinta rugtaas, annaga oo Eebbe weyne talo saaraneyna. Durba waxa aynu is dul-taagnay waxa loo baahan yahay si rugtaas loo hirgaliyo iyo caqabadaha naga hortaagan.

Ugu horreyn waxa aynu isla garawsannay helitaanka goobta saldhigga u noqon laheyd rugtu in ay tahay gundhig, halka qalabeynteeda, buuggaagta la dhegi lahaa iyo cidda ka shaqeyn laheydba ay tahay lagama maarmaan.
Durba waxaa caqabad noqotay qarashaadka bilawga ah ee howshaas ku baxeysa oo ay sii dheer tahay qarashaadka joogtada ah ee bil kasta loo baahan yahay sida kirada, korontada, mushaharka shaqaalaha IWM. Si caqabaddaas looga tillaabsado si degdeg ah waxa aynu isla garannay in si ammaah ah qalabeynta rugta qandaraas ku siinno shirakadaha qabta howlahan misna aan amaahda si bille ah iskaga bixinno muddo sanad ah, qarashaadka kalana aynu jeebkeenna ka bixinno, sidaas darteed waxa aynu ku heshiinnay in qof walba oo innaga mid ah dakhliga bisha soo gala uu soddon boqolkiiba (30%) u huro howshaan si loogu bixiyo deynta bisha inta soo hartayna loogu dabbaro qarashaadka kale ee joogtada ah, sidoo kale waxaan isla fahamnay in qaarkeen 4 saac oo maalintii ah u huraan qabashada howlaha loo baahan yahay si loo hirgaliyo howshan sida kireynta guriga, qalabeyntiisa iyo aruurinta buuggaagta IMW.

Si loo helo buugta la dhigi lahaa rugtana, waxa aynu isla go’aansannay in marka hore buugta guryaha inoo taalla, kuwo aan saaxiibbadeen ka soo qaadi karno iyo qaar aan soo iibintooda aan muhiim u aragnay ku billaawno ka dibna aan bulshada Soomaaliyeed albaabadeeda u furno si inta taalla uga faa’iideystaan waxa ay awoodaanna ay ku kordhiyaan.
Eebbe mahaddii sida aan u qorsheynay ayay wax kasta noogu suurta galeen, riyadiina noogu dhabowday. Hadda oo ay sanad gaw ah ka soo wareegtay markii albaabada loo ballaqay rugtaan waxaa maktabadda taallo kun iyo shan boqol iyo dheeraad (1,500+) buuggaag ah oo ay soo aruuriyeen xubnaha IFIYE, buug faafiyayaal, qorayaal iyo asxaab kala duwan oo joogta dal iyo dibad.

Buugta taalla maktabadda waxa ay isugu jiraan nuucyada kala duwan ee aqoonta sida diinta, sayniska, suugaanta, sooyaalka, horumarinta nafta, tegnoolajiyada, siyaasadda, sheeko faneedyada iwm, waxa ayna ku qoran yihiin afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingilishka iyo Talyaaniga.
Muddadaas sannadaka ah waxaa maktabadda celcelis maalintii soo booqanayay 15 qofood oo iskugu jira ardayda jaamacadaha, macallimiin, wariyayaal iyo si guud dadka daneeya cilmi-baarista, akhriska iyo qoraalka, taas oo ka dhigeysa sanadkaan in maktabadda ay ka faa’iideysteyn ku dhaqwaad 5,000 qof oo soo noqoqod ku jiro.

Waxaa sannadkaas rugta ka hirgalay seddex naadi oo akhris-wadareed isbuucle ah si iskood ah u sameeya, waxaana garab socda bug-wadaag ay makatabaddu soo agaasinto, kaas oo dadka dhan u furan, Arbaca kastana uu qof la wadaago ka-soo-qeyb-galayaasha nuxurka buug uu soo akhriyay, ka dibna laga sameeyo dood-furan iyo weydiimo.

Waxaa iyana xusid mudan in ay jiraan 174 qof oo xubin ahaan maktabadda iskaga diiwaan geliyay, fursadna u heysta in ay qaataan buuggaagta ay xiiseeyaan, si ay ugu akhristaan goobahooda shaqada iyo guriyahooda.
Marka laga soo tago dadkaas maktabadda sida tooska ah ugu xiran ee ka faa’iideystay, si guud waxa ay maktabaddu qeyb lixaad leh ka qaadatay kacdoon fikir, akhris iyo qoraal ah oo ka hanaqaaday magaalada Muqdisho, kaas oo Eebbe idankii horseed u noqon doona isbeddel sammaantu hagto oo jiilka danbe wadada u xaara.

Ugu danbeyn, bahda IFIYE ahaan, waxa aan u mahadcelineynaa xarumaha iyo shakhsiyaadka gacan nagu siisay, nagala qeyb qaatay; iyo/ama nagu dhiirrageliyay hirgalinta howshaan xiisaha badan ee waxtarka weyn leh.

W/Q: Saki Cali GureyMaandeeq FM

Related Articles

Close