arrimaha bulshadaWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Dil iyo Barakicin.. 5 Su’aalood oo Kuu Sharraxaya Dhibaatada Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar

 

Muslimiinta Rohingya ayaa waxay ku jiraan wakhti aad u adag maalmihii lasoo dhaafay, kumanaan ayaa laga dilay oo xukuumadda Myanmar ay dishay, dadkii u baxsday dhanka Bangladesh-na kama aaney badbaadin, waxaa haysta hanjabaad ah in dib loogu soo celin doono halkii lagu xasuuqayay.

1 – Maxaa dhacay?

Jimcihii August 27, 2017, ayaa warbaahinta rasmiga ah ee dowaldda Myanmar sheegtay in dhacdooyin colaadeed ay ka bilowdeen gobolka Rakhine kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan Rhohingya ay weerarro 30 ah ay kusoo qaadeen saldhigyo ciidan oo Myanmar ay leedahay, taas oo ay ka dhalatay isku dhacyo socoday illaa Sabtidii xigtay oo ay ka dhasheen in lagu dilo illaa 80 dagaalyahan oo ka tirsan Rhohingya iyo 12 ka tirsan ciidamada amniga iyo lix ka mid ah dad rayid ah oo goobaha lagu dagaalamay ka ag dhawaa, waana sida ay sheegtay CNN.

Dagaaladaa ayaa waxaa ka dhashay dagaal saf ballaaran ah oo xukuumadda Myanmar ay ku qaadday gobolka Rakhine oo ah kan ugu faqiirsan dalkaas, ayna dagan yihiin ku dhawaad 1 milyan oo Muslimiin ah oo dhibaato culus ay ku hayaan xagjir diinta Boodiska aaminsan.

72 saacadood oo qura ayaa waxaa lagu dilay 2-3 kun oo muslimiinta Rohingya ka tirsan  Isniintii lasoo dhaafay, waxaan la barakiciyay in ka badan 100,000 oo kale oo ay ku jiran dad farabadan oo ku xayiran xuduudda Bangladesh.

2 – Ciidanka Myanmar sidee ula dhaqmaan  shacabka Muslimiinta ah ee Rohingya

Sida ciidanka Myanmar ula dhaqmaan dadka shacabka ah Matthew  Smith oo ah maamule ka tirsan kooxda xuquuqda aadanaha u ol’oleeya oo la yiraahdo “Fortier Rights” ayaa yiri; “Sida ciidanka Myanmar ula dhaqmaan dadka shacabka ah labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxaan ognahay inuu ciidanku sameeyay dil-wadareed, kufsi-wadareed, gubaal-wadareed deegaanno Rohingya.”

hoggaamiyaha Myanmar ee Aung San Suu Kyi xafiiskeeda ayaa waxaa kasoo baxa hadallo dacaayado ah oo lagu beegsanayo dadka Muslimiinta ah halkii ay ahayd in madaxda ay ku baaqaan nabad iyo xasillooni iney shacabkoodu helaan.

3 – Safarkii dadkii barakayacaasha ahaa ee dhanka Bangladesh siduu ahaa

Muslimiintii ka baxsaneysay dhibaatada ee dadka Buudiska ka cararayay halka ay isla lahaayeen waad ku badbaadi kartaan waxay noqotay dalka Bangladesh iyadoo dadka ay khasab ku tahay iney marka hore jaraan wabiga Raff, taas oo keentay in Ilmihii yaraa iyo waaleelkiiba ay ku qariqmaan biyaha wabiga oo in badan galaaftay, halka dhulka ay siimarayaanna lagu aasay  miinooyin in badan si looga argagixiyo.

4 – Sidee dunida looga falceliyay dhibaatada Muslimiinta Rohingya haysta

Muddo 4 maalmood ah ayaa dunidu ka aamusneyd waxa ka socoda Myanmar, laakiin Maalmo ka hor ayaa ururka Iskaashiga Islaamku uu soo saary bayaan uu ku cambaareyanayo xasuuqa Myanmar ka socda.

Dhanka xukuumadaha dalka Turkiga ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee si rasmi ah u cambaareeya waxa ku dhacaya muslimiinta Rohingya. Madaxweyne Erdogan adduunka ayuu ku dhaliilay sida ay uga aamusan yihiin xasuuqa dadka shacabka ah, waxaanuu yiri; “Dunidu way ka indho iyo dhago la’dahay waxa ku dhacaya muslimiinta Myanmar”.

5 – Yay yihiin Rohingya? Sideese u aragtaa xukuumadda Myanmar?

Mulimiinta Rohingya waa koox minority (tiro yar) oo ka tirsan dalka Myanmar oo ay ku badan yihiin dadka diinta Buudisamka aaminsan, waxay ku dhaqan yihiin gobolka Rakhine, tiradoodu waxay gaareysaa illaa 1milyan oo qof, xukuumadda Myanmar uma ictiraafsana iney muwaadiniin yihiin, waxaa loo aqoonsan yahay muhaajiriin aan sharci ahayn iyadoo asalkoodii hore loo tiiriyo ilbaxnimadii hor ee Bangaalka oo asalkoodu ay yihiin dad Bangladesh kasoo jeeda.

Ugu dambeyn, Dagaaladan ugu dambeeya ee xukuumadda Myanmar ayaa ah kuwii ugu darnaa ee muslimiinta Rohingya loo geysto, sida ay qabto wakaaladda wararka Reuters, sanadkii 2012 ayaa xasuuq noocan oo kale ah uu ku dhacay. 2016 ayaa xukuumadda Myanmar ay gubtay 1500 oo guri,  waxaana ku barakacay 87 kun oo qof oo dhanka Bangladesh miciin biday.

W/Q: Khadar Xuseen    

Maandeeq FM

Related Articles

Close