WararkaWaxbarashada

Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka oo Ay Ka Talo Dhiibteen Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarasho ee Muqdisho

Kulan wadatashi ah oo ulajeedadiiisu ahayd sidii jaamcadaha iyo dalladaha waxbarashada ee ka jira magaalada Muqidsho ay uga qeybgali lahaayeen geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe wadday arrimo dardar leh oo ku aaddan dib-u-eegista dastuurka.

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Sonna, wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka Dr Xuseen Cilmi oo ka mid ahaa xubnihii wasaaradda ee xafladda ka qeybgalay ayaa sheegay in kula maanta uu muhiimad gaarka ah u leeyahay maadama ay joogaan bahda waxbarashada oo miisaan ku heh bulshda.

Ugu dambeyn, ka qeybgalayaasha kulanka oo iskugu jiray mas’uuliyiin jaamacadeed iyo kuwa dalladaha waxbarashada, ayaa dhankooda ka mahadceliyay kulanka isla markaana talooyinkooda la wadaagay wasaaradda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close