WararkaWaxbarashada

K/Suudaan: 1.8 Milyan oo Caruur ah oo Waxbarashada Dibad Joog ka Ah

Hay’adda UNESCO ee u qaabilsan Qaramada Midoobay dhaqanka barbaarinta iyo waxbarashada ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalka sokeeye ee ka socda Koofurta Suudaan uu ku dhawaad 1.8 milyan oo caruur ah uu ka dhigay waxbarasho la’aan oo goobaha waxbarashada ka ah dibad joog.

Hay’adda ayaa waxa intaasi ku dartay in heerka aqoon la’aanta Koofurta Suudaan ay gaartay boqolkiiba %73, inkastoo oo ay jiraan dadaallo ay ku bixiyeen dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah in dalkaasi laga helo waxbarasho, hadana in badan oo ka mid ah dadaaladaas laguma guuleysan in wax la baro.

Cumar Calaami oo u dhashay dalka Qatar kana tirsan hay’adda UNESCO ayaa waxaa uu sheegay isaga oo ka hadlayey munaasabadda maalinta dabar-goynta jahliga ayaa tilmaamay iney jiraan qorshe iyo barnaamijyo ay waddo hay’adda iyada oo kaashaneysa mas’uuliyiinta dowladda si waxbarashada looga dhigo muhiimadda koowaad.

Mas’uulkaan ka tirsan hay’adda ayaa hoosta ka xariiqay iney waxbarashadu tahay furaha koowaad ee nabadda iyo horumarka.

Boqolkiiba %69 macalimiinta dalkaasi ma heystaan shahaadooyin Jaamacadeed waxaana la sheegaa in macalimiinta haysata shahaadooyinka jaamacadda ay gaarayaan boqolkiiba %4,halka inta kale macalimiinta ay heystaan shahaadooyinka dugsiga sare.

Dowladda Koofurta Suudaan taasi oo ka go’day suudaanta kale sanadkii 2011 kii ayaa waxay ladaalo dhaceysaa dagaallo sokeeye oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka,waxaana ku dhintay dad gaaraya kumanaan kun halka ay barakaceen boqolaal kale .

Ugu dambeyn, warbixin kasoo baxday wakaaladda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo soo baxay September 2016 ayaa lagu sheegay in dowladda K/Suudaan ay tahay waddanka labaad ee dunida kadib Liberia oo caruurta ugu badan ay dibad joog ka yihiin waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close