arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Saaxiibka Rumaad Dhab ahaan Lama Heli Karo Miyaa?

 

Saaxiibnimadu waa xiriir aadanaha dhex mara oo labo qof iyo in ka badan ay sameeyaan, waxay kaga duwan tahay xiriirada kale waa mid ku dhisan ixtiaam labo dhinac ah oo kalgacayl iyo is qiimeyn ku salaysan, qofka saaxiibka kula ah waxa uu dadka kale kaga duwan yahay waxa uu garab kuu  yahay mar kasta oo aad uga baahdo.

Saaxiibka-rumaad astaamaha uu leeyahay dunidu way isku khilaaftay illaa dadka qaar ay yiraahdaan waxayaabaha aan la heli karin ee mustaxiilka ah ayuu ku jiraa.

Saaxiib-rumaad dhab ahaan la ma heli karo miyaa?  si aan waxbadan uga ogaanno waxaan idiin soo xulnnay xikmado ku saabsan saaxiibka-rumaad iyo waxa ay dunidu ka aaminsan tahay:-

Xikamado ku saabsan saaxiibka wanaagsan oo caalami ah

1 – Saaxiibtinimadu ma dhacdo sida cadceedda oo kale, ma dhalaasho sida barafka oo kale, ma dhimato  haddii uu jaceylku dhinto mooyaane.

2 – Saaxiibtinimadu waa shimbir garbo la’aan ah.

3 – Saaxiibtinimadu waa Kalgacayl iyo is aaminaad.

4 – Saaxiibtinimada lama beego oo dan maaha lacagna laguma qiimeeyo.

5 – Miraha xilligii mar baa la gurtaa, laakiin saaxiibtinmada ilbiqsi kasta ayaa miraheeda la gurtaa.

6 – Saaxiibtinimadu waa ubaxa kaliya ee aan qodxo lahayn.

7 – Saaxiibtinimadu waa wejiga kale ee Kalgacaylku leeyahay, laakiin waa midka aan miririn.

8 – Saaxiibtinimadu waa caqli kaliya oo labo jir ku kala yaalla.

9 – Saaxiibtinimada dhabta ah ma dhamaato, saaxiibka-rumaadna markasta kaama daneysto.

10 – Saaxiibtinimadu waa sida dalladda roobka oo kale, mar kasta oo roobku sii xoogeyto si aad ah ayaa loogu baahdaa.

11 – Saaxiibtinimada udugeedu waa rajo, malabkeeduna waa daacadnimo, saxansaxadeeduna waa kalgacayl, waxay ku baaba’daana waa geeri oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close