WararkaWaxbarashada

Tartankii Kubadda Cagta Gobolka Benaadir oo Qaab Taariikhi ah Loosoo Gabagabeeyay

Habeennimadii Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay tartankii kubadda cagta degmooyinka gobolka Benaadir oo goor habeennimo ah la qabtay muddo 30sano ah kadib.

Tartankan ayaa habeennimadii xalay sameeyay tariikh maadaama muddo 30 sano ah kadib xilli habeenimo ah in magaalada Muqidsho lagu ciyaaro kubadda cagta ay ugu dambeysay dhowr iyo Sideetamaadkii Qarnigii tagay.

Finalkii tartanka ayaa waxaa iskugu soo haray labada dagmo ee kala ah Hodan iyo Waaberi, waxaana koobka 3-1 ku hanatay kooxda Degmada Waaberi oo ay ka go’neyd iney tartanka qaadaan.

Dagamada koobka hanatay ayaa laba jeer oo hore final looga qaaday tartanka, 28-kii Agoosto  2014  ayay aheyd markii degmada Waaberi ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne,  iyadoo Waabari looga adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere,waana markii saddexaad oo xiriir ah.

Tartanka sanadkan waxyaabaha u gaarka ah waxaa ka mid ahaa in Illaa 129 ciyaartow oo ka mid ah 391 ciyaaryahan oo ka qeybgalay tartanka ciyaaraha gobolka Benaadir oo ah kuwo dhameystay dugsiga sare ay heleen deeq waxbarasho heer jamacadeed ah, waana sida uu noo xaqiijiyay Xasan Aadan X. Yabarow “Wiish” oo aan wareysi gaar ah la yeelannay.

Si kastaba, tartamada noocaan oo kale ah ayaa ah kuwo xoojinaya nabadda, horseedaya in tallaabooyin kale oo dhanka wanaagga ah horey loo sii qaado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close