WararkaWaxbarashada

Wejiga Koowaad ee Imtixaankii Aqbalaadda Ardayga ee Jaamacadda Benaadir oo La Qabtay

Jaamacadda Benaadir ayaa sanadkan imtixaanka aqbalaadda ardayda cusub u qabaneysa in ka badan 2000 oo arday oo ka soo qalinjabiyay dugsiyada sare ee dalka.

Diiwaan hayaha jaamacadda Benaadir Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in jaamcadda ay sanadkan soo codsadeen illaa 2,000 oo arday oo dhammaantood ka soo baxay dugsiyada sare ee dalka, hablo iyo wiilalna leh, kuwaas oo kala doortay 12 kuliyadood oo ka mid ah kulliyadaha kala duwan ee Jaamcadda.

War kooban oo kasoo baxay jaamacadda Jimcihii shalay ayaa u qornaa sida:-

“Waxaa maanta oo ah jimce 8 September 2017 si guul ah noogusoo gabo gaboobay wajiga koobaad ee imtixaanka aqbalaadda ardayda cusub ee sanad waxbarasheedka 2017/2018 kaasoo muddo laba Maalmood ah ka socday Campus ka Jaamacadd ee KM 6. Waxaana u rejeyneynaa guul dhammaan ardayda u fariisatay intixaanka. Waxaa lagu wargelinayaa ardayda aan xaadirin iyo ardayda aan weli is diiwaan gelin in Wejiga labaad la qaban doono 28 September inshaa a’ allaah.”

Ugu dambeyn, sanad kasta xilligan oo kale jaamcadda Benaadir waxay qaadataan qaar ka mid ah arday ka soo qalinjaibya dugsiyada sare ee dalka, iyadoo aan shahaado oo qura loo eegin ee laakiin imtixaan aqbalaad ah loo sameeyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close