WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Alpha oo Soo Bandhigtay Tayadeeda Waxbarasho

Jaamacadda Alpha faraceeda magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa soo qabanqaabisay bandhig carweed lagu muujinayo tayada waxbarashada iyo qalabka ay jaamacaddu leedahay.

Bandhig carweedka jaamacadda Alpha ayaa ah mid loogu talogalay iney ka faa’ideystaan ardayda dhameysta dugsiyda sare ee u  gudbaya heerka jaamacadeed.

Guddoomiye ku xigeenka Masters program-ka jaamcadda Alpha Professor Cabdishakuur Maxamed Yuusuf ayaa ka warbixiyay tayada jaamacadda waxaana hadalladiisii ka mid ahaa:

“Alpha ahaan waxaa inoo sharaf ah oo aan ku faani karaynaa inaan tayada waxbarashada aan bixinno aan soo bandhigno, kulliyadaha halkaa fadhiya waxay ka kooban yihiin, kulliyada caafimaadka oo u kala baxay nurse, midwife, laboratory, kulliyadahaas oo dhan waxay soo bandhigayaan tayada ay leeyihiin, kulliyado ay ka mid tahay business-ka social science-ka iyo ICT iyaguna waxay soo bandhigayaan tayada ay leeyihiin.”

Bandhig carweedkan oo maanta ay u tahay maalintii Labaad ayaa soconaya muddo saddex cisho ah waxaanuu ku egyahay maalinimada berri oo lasoo gabagabeynayo.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close