TiknoolojiyadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Maalqabeenno iyo Dad Ku Caanbaxay Teknoolajiyadda oo Noloshoodii Hore Ka Bilaabay Hackers

Dadka dunida ugu caqliga badan dhanka teknoolojiyadda ayaa noloshooda kasoo bilaabay iney yihiin Hackers ama tuugo dhanka electaroonigga ah, waana sida uu faafiyay wargeyska Forbes.

1 – Steve Jobs

Steve Jobs waxaa aasaasaha shirkadda Apple, markii ugu horreysay waxa uu soo saaray qalab la yiraahdo ‘Blue Boxes’ oo uu kaamaxaya inaad sameyso wadahadal toos ah oo dadal badan oo dunida ah aad kula xiriirayso, haddii aanuu qalabkaasi jiri lahaynna sida uu sheegay Jobs ma aaney suurto gasheen in shirkadda Apple la sameeyo.

steve jobs

2 – Bill Gates

Rumeyso ama ha rumeysan, shakhsiga adduunka ugu taajirsan ugu caansata dunida teknoolojiyadda Bill Gates noloshiisa mihnadeed waxa uu ku bilaabay inuu yahay Hackers oo kale oo  qalabka elektaroonigga ah jabsada, lixdamaadkii dabayaaqadeeda ayaa waxa uu ka holgeli jiray shirkadda C-Cubed oo programming-ka sameysa, markaas ayuu bilaabay inuu password-da qaar jabsado si uu document sir ah oo shirkaddu ay leedahay uu gacanta ugu dhigo. Markii xaaladdiisa la ogaadayna shirkaddii waa laga eryay.

Bill Gates

3 – Drew Houston

Waxa uu ka qeybqaatay dhismaha shirkado farabadan oo kuwa teknoolojiyadda ah, muddo dheer ayuu ka shaqeeyay programming iyo mushkiladaha game-ka computerrada, waana inta aanuu aasaasin shirkadda u hirgashay ee Dropbox.

Drew Houston

4 – Jack Dorsey

Markii uu ardayga jaamacadeed ahaa ayuu damcay inuu ku biiro shirkadda ‘Dispatch Management Services’ laakiin waxa uu waayay wax macluumaad ah oo ku saabsan shaqooyinka bannaan, waxa uu jabsaday e-maillada dadka shirkadda u xilsaarnaa shaqo siinta markaas ayuu e-mail iskaga soo dhex diray. Dhacdadaa kadib ayaa shirkaddii si rasmi ah isla markiiba shaqo laga siiyay.

Jack Dorsey

5 – Jan Koum

Waa shakhsigii soo hindisay Whatsapp, noloshiisa mihnadeed waxa uu ka bilaabay koox Hacker ah oo la yiraahdo w00w00 oo ah urur weerarro badan ooo dhanka elektaroonigga ah fuliyay bilowgii sagaashamaadkii, si shakhsiyan ah waxa uu u jabsaday ‘Silicon Graphics’, laakiin sirihii uu ka helay marna ma’aanuu faafin.

Jan Koum

6 – Mark Zuckerberg

Aasaasaha Facebook waxa uu adeegsaday qaab tuugnimo ah si uu wax uga ogaado siraha Labo saxafi oo uu lahaa website-ka theFacebook.com, sanadkii 2004, waa inta aanuu alifin the Hacker Way, waxaana ku kallifay inuu ogaado mushkilado dhanka tiknikalka ah oo haystay website-kiisa isla markiiba horey ayuu ka xalliyay.

Mark Zuckerberg

 7 – Paul Allen

Bill Gates ayuu ku garab siiyay iney wada jir ah u jabsadaan ‘Center Corporation Computer’ iyadoo Allen uu sii watay jabsashadiisa computer-da si uu uu daraaseeyo nidaamka shirkadda qaabka uu yahay.

Paul Allen

 8 – Sean Parker

Aasaasaha kooxda Hackers  w00w00 waxa uu sheegay inaanuu waligii waxba jabsan, laakiin warabaahinta qaar oo sameysay baritaanno ayaa ogaaay inuu 16 jirkiisii Hackers-ka bilaabay, kadibna uu aabihii arrintaa ku ciqaabay oo uu computer oo dhan ka mamnuucin.

Sean Parker

Maandeeq FM

   

Related Articles

Close