WararkaWaxbarashada

Qeyb Ka Mid Ah Ardaydii Deeqda Waxbarasho Ka Helshay Dalka Shiinaha oo Gaaray magaalada Beijing

Qeyb ka ah illaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka helashay Dolwadda Shiinaha ayaa gaartay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, iyadoo ay  halkaasi ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan Axmed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay Shiinaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi oo deeqda waxbarasho helay.

“Waxaa na soo garey qaar ka mid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho helay, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayay si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa la sugayaa kuwa kale”, ayuu yiri Dr C/raxmaan Axmed  Sheekh.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa safiir ka ah Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusf Dheeg) oo ah mas’uul xilal kala duwan horey u soo qabtay.

Ugu dambeyn, safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa arday Soomaaliyeed siisay deeq waxbarasho oo ay ku soo qaadanayaan dalkeeda, halka ardayda waxbarashada u doontay ay u badnaayeen sayniska iyo ingineeriyadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close