WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Ka Hadlay Muhiimadda Weyn ee Laga Dhaxlo Qorsi-Akhriska

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo ka qeybgalay xaflad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka ayaa ka hadlay muhiimadda weyn ee ay leedahay akhris qorista oo qofku ku kala saarayo xuquuqdiisa iyo waajibaadka lagu laga doonayo.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa Xustay shalay maalinta caalamiga ah ee Akhris-qoraalka adduunka, taasoo sanad walba ku beegan sideedda bisha September.

Xuska munaasabaddan oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda wasaaradda, wakiilladda waxbarashada iyo marti sharaf lagu casuumay.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in wax akhtisku iyo qoristu ay yihiin kuwa qofka u kala iftiimiya xuquuqdiisa iyo waajibaadka laga rabo:

“Qofku marka uu wax akhriyo waxna qoro wuuu garan karaa xuquuqda aasaasiga ah ee ka maqan nuuc kasta oo ay tahay, haddey ahaan lahayd xaqa dastuuriga ah ee uu leeyahay, ..”, ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu tilmaamay in hooyada aqoon leh ay kaga duwan tahay tan kale iney taqaanno sida loo maareeyo mushkiladaha dhanka ubadkeeda soo waajaha:

“Hooyada aqoonta leh marka uu ilmaheeda ka xanuunsado way garan kartaa sida lo ohayo wiilkeeda iyo meesha uu caafimaadkiisa ku jiro, laakiin hooyada aan waxna akhrin sidoo kale aan waxna qorin waxay aamintaa wax kasta oo dadku ku yiraahdaan.”

Ugu dambeyn, si loo tirtiro akhris-qoris la’aanta isla markaana loo dhiirigeliyo howlwadeennada ku gudo jira tirtiridda akhris-qoris la’aanta ayaa hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO iyo dowladaha Adduunka qaarkood looga dabaaldagaa September8, si dunida loogu soo jeediyo malaayiinta caruurta ah ee aan waxbarashada haysan iyo barmaamijyada lagu ciribtirayo akhris-qoris la’aanta.

Related Articles

Close