WararkaWaxbarashada

10 Sano Gudahood .. Macallimiinta Iskuullaadka oo Lagu Bedelayo Computer Wax Dhiga

Macallimiintu waxay noqonayaan mustaqbalka dhaw aalado Smart ah ‘computer’ oo bedeli doona bani’aadamka wax dhiga. Sidaas waxaa aaminsan mas’uul saameyn ku leh waxbarashada dalka Ingiriiskana aad looga yaqaanno gudah dalkaas.

10 sano gudahood kacdoon dhanka teknoolajiyadda ah ayaa la filayaa oo meesha ka saaraya afkaar farabadan oo in muddo ah laga aaminsanaa waxbarashada, waxaana sida uu yiri Sir Anthony Sheldon oo madax ka ah kulliyadda Wellington ee gudaha dalka Ingiriirka.

Waxa uu leeyahay macallimiintu kaalintooda hadda wey waayi doonaan taa bedelkeedana waxay kaaliye u noqonayaan computer-ka macallinta ah ee iyaga lagu bedelayo. Sidaa darteed muhiimadda aasaasiga ah ee aqoonta in lagu beero da’yarta ayaa si dhameystiran waxaa ula wareegaya computer smart ah (AI).

Sir Anthony oo ah taariikhyahan iyo falanqeeye siyaasadeed kaas oo wax ka qoray taariikh nololeedka ra’isul wasaarayaashii hore ee David Cameron, Tony Blair, John Major iyo Gordon Brown, ayaa waxa uu leeyahay teknoolajiyadda casiriga ah: “Waxaa hubaal ah iney bedeli doonto nolosha aan hadda naqaanno.”

Dadka oo dhan waxaa u suurtogaleysa iney helaan macallin tayo sare leh oo isku mid ah. Barnaamijka waxbarasho ee computerka waxa uu kula soconayaa waxbarashada oo dhan, waxaana dhici karta iney si degdeg ah qofka wax ugu barto”.

Kacdoonkii 1aad ee aadanaha waxa uu ahaa barashada sida loo noolaado, sida raashinka loo raadiyo, ugaarsiga, beerashada, iyo guryo dhisidda. Kacdoonkii 2aad ee aadanaha waxa uu ahaa is dhaafsiga aqoonta, kacdoonka 3aad waa curintii aaladda wax lagu daabaaco. kan 4aad waa kacdoonka teknoolajiyadda oo hadda aan xilligiisii ku jirno.

Xigasho: Independent

Maandeeq FM

Related Articles

Close