WararkaWaxbarashada

Agaasimaha Guud ee W.Waxbarashada XFS oo Xilka Kala Wareegay Labo Agaasime Mar Keliya!!

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Xasan Maxamed Cali.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Marti sharaf kale oo ka soo qeybgalay Munaasanadda.

Xasan maxamed Cali Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare  ayaa xilka kala wareegay Maxamed Cabduqaadir Nuur oo ahaa Agaasimaha waxbarshada Aas aasiga iyo Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ahaa Agaasimaha hiddaha iyo taclinta Sare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshadda hidaha iyo taclinta sare Faysal Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga fadhiyo Agaasimaha cusub in uu sii ambaqaado hor-u socodka shaqada wasaaradda.

Agaasimaha Wasaaradda Xasan Maxamed Cali oo la kulmay shaqaalaha wasaaradda ayaa wuxuu balanqaaday iney u shaqeyn doonaan si cadaalad ah, islmarkaana wuxuu shaqaalaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Xigasho: wakaaladda wararka ee Sonna

Maandeeq FM

Related Articles

Close