arrimaha bulshadaTiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

NASA oo Ka Digeysa Khatar Baaxad leh oo Kasoo Fool leh Dhulka Hoostiisa

Marka ay arrintu khuseyso waxa ugu daran ee qof aadane ah uu ka walwalaa waa inuu qarxo dagaalka 3aad ee Adduunka.

Laakiin sida ay sheegayso wakaaladda cirbixiyeennada Mareykanka ee NASA arrintu way ka khatar badan tahay taa, khatartu waxay kasoo foolleedahay lugaheenna hoostooda, waana fulkaano aad u xoog badan loona yaqaanno “Super volcanoes“.

Super volcanoes aadka u baaxadda weyn dunida waxaa soo maray 20 jeer oo qura sida ay culumadu leeyihiin, iyadoo qaraxyo waaweyn dunida lagu arko 100 kun ee sanaba mar. NASA ayaa sheegaysa ilbiriqsiyo kaliya iney khatar ku tahay jiritaanka aadanaha, laakiin waxay sheegayaan iney dajiyeen tallaabooyin ay arrintaa kaga hortagayaan!!

Culumada NASA oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadayaan ay ka mid tahay iney kuleylka ka nuugaan dusha sare ee folkaanada isla markaana ay tamarta xoogga leh ee fulkaanada  u bedelaan mid koronto oo ay dadku ka faa’ideystaan. Haddii ay sidaasi dhacdana aan marnaba fulkaanadaasi qarxi doonin.

Qorshuhu sida uu yahay waxaa la qodayaa illaa 10 KM oo ka hoosaysa fulkaanada oo ay ogyihiin halka ay tahay, biyo ayaana lagu furayaa goobtaa la qoday, markaa waxaa la filayaa inuu heer kulku noqdo 3500, taas oo keenaysa inuu kulayku yaraado maalinba maalinta ka dambeysa, waana sida ay qoreyso “Independent”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close