WararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaare Khayre oo Kafaalo Qaaday Waxbarashada 100 arday oo Heer Jaamacadeed ah

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kafaalo qaaday 100 arday oo kasoo jeedda qoysas dan yar ah isla markaana ka qalinjabiyay dugsiyada sare una baahan waxbarasho heer jaamcadeed ah.

Xildhibaan Idirs Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka JF Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha uu ballanqaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarasho heer jaamacadeed ah oo illaa 100 arday oo dhameysatay Dugsiga sare ee magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in booqasho uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaasi, waana sida aan kasoo xigannay warbaahinta Dowladda.

Si kastaba, ballanqaadkan ayaa noqonaya mid yididiilo fiican iyo dhiirigelin u noqonaya ardadaa danyar ah ee laga bixinayo waxbarashda heer jaamacadeed ah maadaama mustaqbal iyo rajo loo abuurayo.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close