WararkaWaxbarashada

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada oo Ka Hadashay Qorshaha iyo Waxqbadkii Wasaaradda ee 2017

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Ayaa Sheegtay Inay Joojinayso Dugsiyada Sare Ee Saddexda Sanadood Lagu Dhigto.

Axmed Abokor Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo wareysi gaar ah siiyay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay waxqabadkii wasaaradda ee muddii uu hayay xilka agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Axmed Abokor ayaa ka hadalay iney dajiyeen qorshihii wasaaradda ee mudadii 5 sano ee aaddan isagoo tilmaamay in hortabintooda koowaad ay tahay tayada waxbarashada:

“Horta imika waxaa dhamaaday qorshihii 5sano ee soo socota 2017-2021 ayaa qorshihii wasaaradda waxbarashada la sameeyay, 5 taa sano waxyaabaha muhiimadda koowaad la saarayo ayaa ah tayada waxbarashada intii hore waxbarashada waa la fidinayay waa la deegaameynayay meelo badan baa la gaadhsiinayay, dadbadan baa la gaadhay, inkastoo arday badan oo waxbarashada xaq u lahaa aan wali la gaadhin duruufo badan awgeed, laakiin dad farabadan baa la gaadhay illaa 50% dugsiga hoose, dugsiga sarena waxbadan baa la gaadhay, markaa tayadii tayadii ayay noqotay in la xoojiyo.”

Waxa uu xusay in iskuulaadkii wixii agab ah iyo lagama maarmaankii loo dhameystiray, waxa ay filayaanna ay tahay in waxbarasho rasmi ah ay dhacdo:

“Mar haddii iskuulkii la dhisay macallinkii uu oo la tababaray, ardaydiina ay joogto waa in iskuulkii waxbarasho rasmi ah ka dhacdo, ardayga subixii soo kallaha inuu isagoo aqoon cusub leh inuu gurigii ku noqdo ayaa xoogga la saarayaa, macallinkaa la tababarayaa waa la dhiirigelinayaa, waxbarashadii iyo agabkii uu u baahnaa ayaa loo diyaarinayaa, kormeerkana waa xoojineynaa.”

Agaasime Abokor ayaa waxa uu xusay iney gabi ahaanba meesha ka saareen waxbarashadii dugsiga sare ee habka saddexda sanno ahayd, maadama aanuu nidaamkaa sharcigu ogoleyn, didoo kale waxa uu ka hadlay iney lagama maarmaan tahay in manaahijta la mideeyo:

“Dugsiyo saddex sanno ah ayaa jiray, farriin baan hadda halkan uga dirayaa horeyna wasaaradda tallaabooyin ayay ka qaadday, imikana tallaabo ayaa laga  qaadayaa, ma jirayo dugsi oo saddex sano ah ma jirayo, nimaadkaa sharciga ah ee siyaasaddeenna qaranka ku qoran ayaa la raacayaa, si doo kale ma jirayso iskuullo manaahij kala duwan isticmaaleysa, waxaan dooneynaa inuu soo boxo arday isku mid ah, imtixaan mideysan baa laga qaadaa sidaad ogsoon tihiinba Somaliland oo dhan gees ka gees, maadaama imtixaan mideysan laga qaadayo manhajka ay dhigtaanna waa inuu noqdaa manhaj isku mid ah.”

Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo August 7, 2017 soo saartay go’aan lagu mamnuucayo habkii waxbarasho ee manaajita Carbeed oo ahaa mid ku dhisay in 3 sano lagu soo gabagabeeyo dugsiga sare, dugsiga dhexe saddex sano, halka dugsiga hoose uu ahaa 6 sanadood.

Maandeeq FM

Related Articles

Close