arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Culumo-awdiin Caan ah oo Dowladda Sucuudigu Ay Qabqabatay!

Sucuudiga ayaa xirxirtay culumo-awdiin caan ah ol’ole u muuqda mid laga aamusinayo mucaaradka suurtagalka ah ee laga filan karo tanaasulka boqorka Sucuudiga oo laga wado in maalmaha soo aaddan uu xukunka ku wareejiyay wiilkiisa dhaxal suga 1aad ee Maxamed Binu Salmaan.

Ilo wareedyo gudaha Sucuudiga ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in la qabtay culumada kala ah Salmaan al-Cawda, Cawad al-Qarni, Cali al-Cumari bilowgii isbuucan aan ku jirno.

Culumadan la qabqabtay ayaa dhammaantood aan ka tirsaneyn mu’asasada diineed ee ay dowaldda Sucuudigu taageerto, laakiin dadbadan ayaa ku xiran oo dhanka Internet-ka kala socoda duruusta iyo wacyigelinta ay sameeyaan. Culumada ayaa horey xukuumadda Sucuudiga u dhaliilay, laakiin xilliyadii dambe ka aamusnaa oo aan ka hadlin go’doominta dowladda Qatar ee xulafada Sucuudiga ay ku hayaan.

Sheikh Salman al-Cawda ayaa la xiray sanadkii 1994-1999 sababo ku aadaneyd inuu ku dhawaaqey in isbedel siyaasadeed laga sameeyay gudaha Sucuudiga.

culumo caan ah

Maandeeq FM

Related Articles

Close