arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Duruufta ayaa u Diidday Inuu Yaraantiisii Waxbarto.. 77 jir ayuuse Ku Helay 5 Shahaado Jaamacadeed

Maxamed Dentz waa awoowe 77 jir ah, Iskuulka waxa uu kaga tagay dugsiga dhex duruufo dhaqaale oo soo waajahay darteed, laakiin marna kama aanuu tanaasulin hamigiisa oo ahaa inuu waxbarto, waxa uu bartay luqadaha Jarmalka iyo Ruushka, isagoo ku  shaqeystay tarjumaan.

Waxbarasho online ah ayuu ka dhameystay dugsiga sare, marka uu gaaray 61jir ayuuna goostay inuu Jaamacad galo si uu waxbarshada uga libin gaaro.

Markii uu gaaray 77 jir waxa uu aruursaday shahaadooyin tiro badan oo ay ku jiraan 5 shahaado oo heer jaamacadeed  ah oo kala ah, takhasusyada Maamulka, dhaqaalah, Ganacsiga, suugaanta luqadda Turkiga iyo ugu dambeyn kulliyadda Qaanuunka.

Dhalinyarada ayuu Maxamed kula dardaarmay inaaney daalin oo ay dhexda  u xirtaan dadaal:”Ha daalina hana quusanina, mar kasta dadaal dheeraad ah muujiya.”

Duqeyda asaagiisa ah ayuu kula dardaarmay inaaney noloshooda ku dhameysan maqaaxiyaha, “Wakhtigiinna maqaaxiyaha haku dhameysanina. Noloshiinna yaaney ku dhamaanin wadnaha oo idin istaaga idinkoo Turub ciyaaraya.”

Ugu dambeyn, waxaa hadda u qorsheysan inuu waxbarashadiisa sii wato iyo inuu furo iskuul ay wax ku bartaan dadka danyarta ah ee aan iska bixin karin waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close