WararkaWaxbarashada

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne oo Ku Baaqay In Laga Qeybqaato Dhismaha Iskuulka Xaawo Taako

Maamulka Gobalka Benaadir ayaa ku howlan sidii 17ka degmo ee Gobalka looga hirgelin lahaa goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Iskuulka Hoose, Dhaxe iyo Sare Xaawo Taako ee Degmada Xamar Weyne ayaa ka mid ah iskuullada uu saameeyay dagaaladii sokaaye ee dalka ka dhacay,  isla markaana uu ka muuqdo bur bur baaxad weyne,  waxaana  si wadajir ah u booqday mas’uulyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukumadda Soomaaliya iyo Maamuulka Gobalka Benaadir.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Maye ayaa ugu baaqay bulashada Soomaaliyeed iney ka qeyb qataan dhismaaha iskuulka Xaawo Taako.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Benaadir ee dhinaca arrimaha bulashada  Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg ayaa sheegay in maamulka Gobalka uu qeyb weyn ka qaadan doono dhisamha iskuulka Xaawo Taako.

Agaasimaha Guud ee Waasaradda Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukumadda Soomaaliya  Xasan Maxamed Cali oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ay tahay in laga wada qeyb qaato dhismaha Iskuulka Xaawo Taako si  bulshada  ku nool Gobalka Benaadir ay u helaan waxbrasho tayo leh oo lacag la’aan ah.

Xigasho: Warbaahinta Dowladda

Related Articles

Close