WararkaWaxbarashada

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Burburisay Rajadii 24kun oo Qaxooti Laga Aqbalay ah Codsigoodii Magangalyo Doonimo

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa Isniintii September 11, 2017,  soo saartay ku taageertay go’aankii madaxweyne Trump uu ka soo saaray  6 dal oo Musliim ah oo dunida daafaheeda ah.

Go’aankan maxkamadda ayaa niyad jab ku riday 24kun oo muhiijir oo dhamaan shuruudihii buuxiyay oo sugaya oo kaliya in la qaado, Soomaali badanna ay ka mid tahay.

Gorsoorayaasha maxkamadda sare ayaa ogolaaday codsiga maamulka Trump ee ahaa in la hakiyo racfaan kasoo baxay san-Francisco isbuucii hore oo ogolaanayay kumanaan qaxooti ah in loo qaado Mareykanka iyadoo ay jirto xayiraadihii uu Trump kusoo rogay kadib markii uu xukunka la wareegay.

Maxkamadda sare ayaase albaabka u furtay dadka go’aankan mucaaradsan iyadoo illaa Talaadada  fursad ay u haystaan iney go’aanka ku diraan.

September-tan aan ku jirno 8-dii ayaa maxkamadda racfaanka san-Francisco ay aqbashay go’aan ka dhan ah dadka muhaajiriinta ah.

Ugu dambeyn, go’aankan ugu dambeeyay ayaa joojinaya safarka iyo qaxootiga laga qaabilayo dalka Mareykanka ee u dhashay Lix dowaladood oo Muslim ah oo kala ah Soomaaliya, Libiya, Iran, Sudan, Yemen, Suuriya, iyo guud ahaan qaxootiga dunida ee laga aqbalay iney dagaan gudaha Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close